Muuse Biixi “Arrinta Nairobi ee jaraa’idka ugu af-dheeri qoreen, waa dhiillo kusoo korodhay Somaliland”

0
1103

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiillo laf-jab ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somaliland ku tilmaamay kulamadii qarsoodiga ahaa ee la wariyey inay ku dhexmareen magaalada Nariobi hoggaanka xisbiga WADDANI iyo madaxda dawladda Soomaaliya oo ay baahiyeen wargeysyo waawayn oo ka soo baxa dalka Kenya.

Guddoomiye Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey kulan lagu sii ambaqaadayey wadahadalkii u socday xisbiga KULMIYE iyo Garabkii toosinta iyo caddaaladda xisbiga WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo dib uga furmay huteelka Maansoor maanta, waxaannu walaac ku muujiyey shirarka qarsoodiga ah iyo kulamada ka dhanka ah qaranimada Somaliland ee dhiigga badani ku daatay.

Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Arrinta kasoo baxday Nairobi ee jaraa’idka caalamka ugu af-dheeri qoreen, waa dhiillo kusoo korodhay qarannimada Somaliland, waana arrin aan weli hore uga dhicin xisbi iyo guddoomiye Somaliland intii ay jirtay, wayna jireen ash-khaas siyaasi ah oo iskood u shaqo taga oo soo noqda oo haddaba qaar joogaan oo ay hoggaaminayaan WADDANI, laakiin guddoomiye xisbi iyo guddidii fulinta oo 12 ah oo shir la gala Koonfur oo weliba ka hadla waanu midoobaynaa oo si dhuumasho ah u gala oo marageediina kaas la hayo yahay oo maanta cid waliba hayso waa dhiillo ku soo korodhay jiritaanka Somaliland iyo habkii aynu soconay iyo qarannimadeenii oo qaranka oo dhammi u baahanyahay in arrintaas si qarannimo ah loo eego.”

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in aanay hoggaanka WADDANI ka soconaynin doodaha jilicsan ee ay kaga falceliyeen kulanka ka dhacay Nairobi, “Guddoomiyaha WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah ninka saddexaad ee hab-maamuuska qaranka leh ka soconmayso waa sawirro la isku geegeeyey, KULMIYE-na jaraa’idka STAR ma soo saaro, Nairobi-na xarun jaraa’id kuma lihin. Somaliland Ilaahay baa wata oo khiyaamo iyo shirqool kasta oo laga galo Ilaahay baa fashila, tanna Ilaahay baa fashilay oo waa niyad-wanaagga, halganka iyo adkaysiga ummadda Somaliland, markaa halkaasna dhiillaa kasoo korodhay, idinkuna (Garabka Toosinta iyo Caddaaladda) dad nasiib badan oo taariikhdooda Ilaahay cidhib-barako leh la damcay oo shirqoolkii Somaliland ka baxsaday baad tihiin,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kaloo uu ka hadlay dhaawacyo muddooyinkan dambe magaalada Hargeysa loogu gaystay xubno ka tirsan xisbiga WADDANI, isaga oo guddoomiye Cirro-na ka dalbaday inuu soo qaddimo caddaymo la xidhiidha eedaha aan salka lahayn ee uu dhibaatada xubnahaas loo gaystay kula xidhiidhiyey xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Xisbiga WADDANI maalmahan qaylo dheer buu ku dhuftay, waxaannu ka xunnahay dadka muwaadiniinta ah ee weliba masuuliyiinta xisbiga WADDANI ah ee la waxyeeleeyey, waxaannanu qayb ka nahay gurmadka ah in lasoo qabto cidkasta oo dembigaas gashay, waana wax aynaan aqoonin, hay’adaha amnigana waxaannu ku dhiirrinaynaa inay ka hawlgalaan oo ay xaqiiqda ka gaadhaan cidda waxaas fulisay, annaguna odhanmayno waa xaalad-abuur uu WADDANI sameeyey oo uma quudhi karno, laakiin Guddoomiyaha WADDANI waxa uu isla soo taagay KULMIYE ayaa arrintaas ka dambeeyey, caddayn maxkamadeed baa guddoomiye lagaa rabaa, kiis sahlanna maaha ee xisbi qaran oo dhan baad ku eedaysay inay ciyaalo-suuqiin yihiin oo jid-gooyo galaan, caddaynteedana waa la rabaa taasi ma taasi maaha dacaayad iyo tartan siyaasadeed.”

Dhinaca kale, waxa uu soo qaaday abaaraha iyo sida uu xisbiga KULMIYE uga hawlgalay, waxaannu sheegay inay si taabogal ah dadka ugu gurmanayaan, isla markaana aanay sawirro iyo is-muujin uga gol lahayn gurmadka xisigu ugu talogalay dadka abaartu taabatay, “KULMIYE dadku waa wada shacabkiisii, abaartuna dalka meel walba way wada saamaysay, haddii naq meelo loogu guurayna waa la isku dul fuulay oo iyaguna way tabaalaysan yihiin, dadkayagana waanu u gurmanaynaa, gurmadkana annagu kama daydayno sawir yar iyo dacaayad raqiis ah ee intii tamartayada ah dadkayaga waanu u gurmanaynaa, adduunkana waanu ugu hawlgalaynaa, wixii tamarteena iyo dedaalna waanu ku daraynaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyey Garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee wadahadallada la furay xisbiga KULMIYE, waxaannu ka markhaati kacay in siyaasiyiinta ku jiraa yihiin tiir-dhexaadkii WADDANI, waxaannu yidhi, “Waxaanu aad iyo aad uga xunnahay oo aan qaranka iyo xeerarka sharciga, dimuqraaddiyadda, talo-wadaagga iyo curfiga xisbiyadaba ka tacsiyadaynaynaa golihii Ambassador ee dadka lagu soo ururiyey khaladkii iyo gefafkii dimuqraadiyadda loo gaystay ee ka dhacay, aadna waanu uga xunahay, aad baad u nasiib badantihiin, waxaanad ogaataan inaad tihiin qolo u daacad ah Somaliland iyo qaddiyadeeda, xisbiyada marka la gelayana mabaadi’ badan baa lagu tagaa, laakiin waxaad u muuqataan oo taariikhdu idiin qiraysaa inaad tihiin qoladii Somaliland-nimada iyo xisbiyadda WADDANI u ahayd udu-dhexaadka.”