Abaarta Gobollada Bariga Oo Sii Adkaanaysa, Xukuumadda Iyo Xisbiyada Oo Ka Gaabiyey Gurmadkii Iyo Qaylo-dhaanta Xasan Guure

0
874
Mujaahid Xasan Guure Oo Dhaliishii Ugu Cuslayd U Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Fartana Ku Fiiqay Musuqmaasuq Iyo Qaraabo-kiil Xadhkaha Goostay Oo Maamulka Xulay
Mujaahid Xasan Guure Oo Dhaliishii Ugu Cuslayd U Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Fartana Ku Fiiqay Musuqmaasuq Iyo Qaraabo-kiil Xadhkaha Goostay Oo Maamulka Xulay

“Waxay ila tahay inay ku habboon tahay inaynu Kursigaa dib u dhigno, Waayo? Barigii aad baa loogu Lee’anayaa…” Mujaahid Xasan Guure

Abaarta ka jirta Gobollada bariga Somaliland, ayaa ka sii adkaatay sidii hore.

Abaartan oo Saddexdii bilood ee u dambeeyay ka taagnayd Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Saaxil, ayaa sii adkaatay, ka dib markii Raxmaadka Alle ka di’I waayay deegaannada Abaartu ka jirto, marka laga yimaaddo deegaannada bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo uu si teel-teel ah uga da’ay dhowr maalmood oo kala duwan.

Dadka Abaareysan oo bishii u dambeysay la gaadhsiiyey Gurmad iskugu jira Biyo, Raashin iyo Balka Xooluhu cunaan, ayaan toddobaadyadii u dambeysay helin wax kaalmo ah oo Dawladda iyo Cid kale gaadhsiisay, taasina waxay sii adkaysay Xaaladda Nololeed ee Dadka iyo Xoolaha ku sii hadhsanaa deegaannadaas, ka dib markii intii awoodaysay Dadka Xoolo-dhaqatada ahi ay Neefafkii Abaarta uga hadhay Gaadiid ay u kireeyeen ugu soo Daad-gureeyeen Gobollada Galbeedka Somaliland, laakiin intii wayday lacag ay Gaadiid ugu kireeyaan Xoolahooda Abaartu hayso, ayaa hadda waajahaya Xaalad Nololeed oo aad u adag.

Xaaladda Adag ee Dadka iyo Duunyada Gobollada barigu waajahayaan, ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu joogsaday Gurmadkii ay wadeen Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka iyo Shacabka Somaliland.

Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda oo Shacabka kaashanaysa, ayaa hore gurmad laxaadle uga geystay Abaarta, laakiin hawshii Gurmadka ayaa joogsatay wixii ka dambeeyay Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland kaga soo laabtay deegaannada Abaartu ka jirto, wallow Xukuumaddu deegaannada qaarkood ka qodday Ceelal loogu talo-galay Dadka iyo Xoolaha Abaareysan inay ka cabbaan.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa ka deyriyey Xaaladda Abaarta oo uu sheegay inay sii adkaanayso, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda, Shacabka iyo Xisbiyadaba in dib loogu noqdo gurmadkii loogu jiray Dadka iyo Xoolaha Abaareysan, maaddaama oo buu yidhi Raxmaadkii Alle aanu di’in Xaaladduna sii adkaanayso.

“Waxaan Dawladda iyo Shacabka ogeysiinayaa in Abaartii halkii hore ka sii adkaatay. Waxa la ii sheegay in Xoolihii Bariga ee Gaadiidka laga kireyn waayay Doonyo lagaga soo qaado oo Bullaxaar lagaga dejiyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, in Dadkii iyo Xoolihii ka soo hayaamay bariga iyo Hawdka Somaliland ay Culeysiyeen deegaannada Galbeedka Somaliland, “intii yarayd ee Roobka ahayd ee halkan ka da’dayna Dadkii oo dhan baa iskugu yimid, Dadkii Hawd ka soo guurey iyo kuwii Bariga ka soo guurey, iyaga iyo Dadkii ay dul-fadhiisteenba halis bay iskula jiraan, wax Alaale iyo wax hadal hayana maynaan Maqal Maalmahan.”

Mujaahid Guure, wuxuu sheegay in Gurmadkii loogu jiray Abaarta lagu iloobay Ololaha Doorashada iyo Loolanka Xisbiyada Qaranka, “Waxaad mooddaa Xukuumadda iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyadu inay u qaateen inay dhameeyeen Hawshii Abaarta, oo halkii ay Abaarta ka hadli lahaayeen waxay ka hadlaan Ololaha, weliba Hargeysa wixii Galbeed ka xiga waxa laga hadlayaa Hebel baa ku biiray iyo Hebel buu u digo-rogtay iyo Xaflado lagu qabto Huteellada, waa Nasiib-daro. Dadka aynu Madaxda u nahay ILAAHAY inta ka sokeysa inaga ayay talo innaga sugayaan, inaguna waxaynu ku mashquulnay Xaflado.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu ku taliyey in dib loo dhigo Doorashada Kursiga Madaxweynaha oo Dadka Abaareysan loo gurmado, “Kursigu ha inoo dambeeyo, waxay ila tahay inay ku habboon tahay inaynu Kursigaa dib u dhigno, Waayo? Barigii aad baa loogu Lee’anayaa, markaa waxaanu Xukuumadda iyo Shacabka ku boorinaynaa in Dib loogu jeedsado Gurmadka Abaarta.”