Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Xukuumadda ugu baaqay inay Gurmad la gaadho deegaannada ay dadku ku abaaraysan yihiin, soona jeediyay in la joojiyo bixinta saldhig Militeri oo Imaaraadku ka samaysto Dekedda magaaladda Berbera

Gudoomiyaha madasha toosinta iyo wada tashiga ee Somaliland Mudane Xasan Guure Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa ayaa xukuumada ugu baaqay inay joojiso wareejinta saldhiga marsada Berbara oo uu tilmaamay in saldhig milatari la doonayo in laga dhigo.

Mujaahid Xasan Guure Jamaac isaga oo arintaasi si cadho leh uga hadlaya waxaa uu yidhi “Saldhigaa waa in la joojiya waa dhaxal wareejin qarankan la dhaxal wareejinaayo, Xamar ayaa laga soo qaadanaya fasaxa marka, fasaxa laga soo qaato, qolo mucaarido Nayroobi kula shirtayna waaba la sheegayaye, sheekooyinka noocaas ah ee dadka shakiga galinaayana hala joojiyo, hadii ay burun bagaado yihiina hala joojiyo, waxaan maqlaayay madaxweynaha oo leh baarlamaanka ayaa loo gudbinayaa, waar kuwan baarlamaanka ee aan iyagu waxba diidin waxaa aan leeyahay waar waxan aad dhaxal wareejinaysaan waa dhaxalkii umadiina, ee ubadkiina weeyaan, inagu aynu u badheedhno, hadii aynu cid wax siineynana ma carab ayaynu wax siin laheyn, maxay inagu biirinayaan hala joojiyo taas”