Dawladda Imaaraadka Carabta oo 20 Ceel Biyood ka Hirgelinaysa Somaliland,

0
931

“Waxaanu Imaaraadka uga mahad-celinaynaa inay noqotay dawladda ugu horaysa ee ka jawaabtay baaqa Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha”

Waxa Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhay wefti khuburro ah oo dawladda Imaaraadku u soo dirtay in ay soo sahamiyaan labaatan ceel biyood oo ay ka qodi doonaan gobollada Somaliland, una soo dersa sida ugu habboon ee loo taakulayn karo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Weftigan oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa waxa horkacayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaradka carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka sakadda, Sheekh Siciid Maxamed Faarax. Khuburradan oo ah laba xubnood, waxay aqoon u leeyihiin dhinaca biyaha, waxaanay warbixntooda culayska ku saari doonaan, sidii loo qodi lahaa ilaa laabatan ceel iyo dayactirka kuwa aan hadda shaqayn ee ku yaalla dalka,waxaanay ka socdaan Ha’yada Khaliifa Foundation.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka, danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeeddooyinka weftigan, “Weftigani waxay jawaab u ahaayeen waraaq uu madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u qoray dawladda Imaaraadka carabta, kaas oo uu kaga dalbanaayey in loo soo gurmado dadkeenna ay abaaruhu aadka u saameeyeen. Weftigani waxay hor-dhac u yihiin wefti kaloo iman doona, kuwaas oo darsi doona baahiyaha loo baahan yahay. Markaa weftigani waa sahamin waxaanay mari doonaan gobollada dalka ee dhibaatada abaaruhu ka jiraan,”ayuu yidhi Safiir Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Safiir Baashe waxa kale oo uu ka hadlay wufuud kale oo kuwan la mid ah in ay dalka iman doonaan, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aanu rejaynaynaa in dhawaan dalka timaado shirkad kale oo la yidhaa Maxamed Binu-raashid Foundation, taas oo iyana dhankeeda ka qayb-qaadan doonta gurmadka loogu jiro taakulaynta dadka abaaruhu tabaaleeyeen.”

Danjiruhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaanu dawladda Imaaraadka uga mahad-celinaynaa in mar kasta oo madaxwaynuhu codsi u gudbiyo kana dalbado in loo soo gurmada dadka tabaalaysan ay yihiin dawladda ugu horaysa kaliya ee jawaabta ka soo bixisay baaqii madaxweynaha.”

“Illaahay waxaynu ka baryaynaa in uu abaarha innaga soo jabiyo, oo isagaa awood lehe uu raxmadiisa innoo shubo. Dadkuna waa in ay isa saamaxaan, dambi dhaafkana badiyaan,” ayuu yidhi Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, oo ah Guddoomiyaha Hay’adda diiwaanka sakadda Jamhuuriyada Somaliland oo baaq u jeedinayay bulshada Somaliland, waxaanu sheegay inay qiimeynayaan goobihii laga qodi lahaa labaatan ceel biyood.