Madaxweynaha oo Cafis u Fidiyay Sheekh Aadan Sunne oo Maxkamadda Maroodi-jeex Xukuntay

0
986

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cafis Madaxweyne u xoriyadiisii ugu sii daayay Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame (Aadan Sunne) , oo ka mid ahaa maxaabiista xukuman ee ku jiray jeelasha dalka.

Sidaasna waxa lagu caddeeyay qoraal uu soo saaray madaxweynaha Somaliland, 19-kii bishan December, waxaanay u qornayd sidan:-
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Qodobka 90aad, xubintiisa 5aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta guud
Markuu la tashaday: masuuliyiinta ay arrintani khusayso
Markuu tixgeliyay: Codsiga caafiska ah ee madax-dhaqameedka degaanka uu ka soo jeedo Maxbuus, Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame.
Wuxuu Go’aansaday: In laga bilaabo taariikhda maanta uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame, oo ka mid ah maxaabiista Xukuman.”

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa 30-kii Bishii July 2016, Sheekh Aadan ku xukuntay xadhig dhan hal sano iyo badh, ka dib markii ay sheegtay in lagu helay dacwado loo haystay.