“KULMIYE Iyo WADDANI, Midkoodna Qabyaaladda Wuu Dhalay, Midka Kalena Wuu Koriyaa” Xisbiga UCID

0
1122
Deg Deg: Masuulyiintii Ugu Badnaa Oo Iska Casilay Xisbiga UCID
Deg Deg: Masuulyiintii Ugu Badnaa Oo Iska Casilay Xisbiga UCID

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa dhaliilo xoogan u jeediyey labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE oo loolan kala dhexeeyo.

Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo xafiiskii warbaahinta kula hadlay ayaa xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyey inay qabyaaladda kobcinteeda door laxaad leh ka qaataan, waxaana uu sidoo kale labadaas xisbi ku dhaliilay inay dalka oo abaar baahsan ku jira ay doorasho uun ka fekerayaan, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Labada xisbi ee Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo WADDANI qabyaaladda qolona way dhashay qolona way korisay, doorashdii wakhtiga ka hadhayna waa saddex bilood, kaadh qaybituna waxay ahayd inay bilaabanto bisha January taasina halka ay maanta marayso aynu arkayno oo aanay suurtogal ahayn in reerka maanta Boorama jooga haddii ilaahay roobka u shubo inay January gurigoodii oo Sanaag ah joogaan oo kaadhka loogu qaybiyo, taas marka laga yimaado waxaynu ognahay in xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay yidhaahdeen doorashadu dib u dhici mayso, labadaas xisbi aan kala saaro, xisbi walibana waxbuu isleeyahay, xisbiga KULMIYE go’aankiisa aanu ognahay waxa weeye ee uu leeyahay doorashada hala qabto iyadoo duruuftaas lagu jiro wuxuu isku qanciyey inuu doorashad ku soo bixi doono deegaanada galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo uu is yidhi cidi kama guurin oo ay cadahay inaanu gobolada bariga ee Berbera ka bilaabma aanu dan ka lahayn, marka ay leeyihiin xulafo ayaynu nahay iyo marka ay isaga ilmaysiinayaanba waxaynu odhan karnaa waa ilmadii yaxaaska, WADDANI isaga ujeedadiisu taas way ka duwan tahay, isagu wuu ogyahay inaanay dani ugu jirin in duruuftan doorasho lagu qabto laakiin arrinkiisu waa ku jiq sii”.

Geesta kale xoghaya xisbiga UCID ee arrimaha bulshada ayaa dhaliilay Jamaal Cali Xuseen iyo soocdaalkiisa gobolada bariga, waxaana uu yidhi:

“Berbera ayaad ogaydeen oo uu Jamaal intuu yidhi calanka UCID soo qaata hadana uu ku yidhi daadiya, iminkana Burco ayuu ka wadaa, markaa waxaan leeyahay intaasi waa intii geelu isugu kiin jiraye bal haddii aad saamayn leedahay meel kale ka samee”.