Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI

0
1496

Hogaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanno iyo taageerayaal kasoo jeeda degmooyinka Qorilugud iyo Wadaamo-goo, kuwaas oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ay hore uga mid ahaayeen.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey xildhibaannada iyo taageerayaashooda, ayaa waxa kasoo qaybgalay hoggaanka xisbiga oo uu hormood u ahaa guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, wasiiradda wasaaradaha Xannaanadda Xoolaha iyo weliba Hawlaha guud, hoggaanka garabyada xisbiga ee heer gobol, haweenka, xildhibaanadda cusub ee xisbiga kusoo biiray iyo taageerayaashooda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn guddoomiyaha gobolka ee xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo munaasibadda furay, ayaa soo dhaweeyey xildhibaanada cusub, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal loo siman yahay oo aan la kala lahayn.

Xildhibaan Axmed Xandulle Muuse oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Qorilugud ee xisbiga kusoo biiray oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inuu ku qancay hoggaanka xisbiga KULMIYE, isla-markaana ka qancay kasii mid ahaanshihii xisbigii uu ka yimi ee WADDANI, kadib markii uu musuq iyo wax is-dabamarin badani ka dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi dhawaan qabsaday.

Xildhibaanada kale ee iyaguna kusoo biiray xisbiga KULMIYE, isla-markaana madasha ka hadlay, ayaa waxa kamid ahaa Xildhibaan Mustafe Aadan Maxamuud, Xildhibaan Cali Cabdilaahi Maxamed, Xildhibaan Xirsi Raygal Maxamed, waxana ay si isku mid ah u sheegeen inay maal iyo muruqba la garab istaagi doonaan xisbiga KULMIYE, isla-markaana umaddooda iyo deegaamadoodaba kusii fogayn doonaan waxqabadka la mahadiyey ee xisbiga KULMIYE.

Chief caaqil Cali Aadan Afku-waranle oo kamid ah hormoodka cuqaasha deegaanada Wadaamo-goo iyo Qorilugud oo madasha ka hadlay, ayaa tilmaamay in deegaanada uu dhalasho ahaan kasoo jeeda si siman u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla-markaana xubnaha xildhibaanada ee haatan kusoo biiray ugu dambeeyeen cid xisbiga ka maqnayd oo deegaanadaas kasoo jeedda, waxana uu yidhi,

“ annagu meeshaanu raacno ilaahay waa guuleeyaa, ilaahayna waxanu ka rajaynaynaa inuu KULMIYE guulaysan doono, waxa uu xisbigu qabtayna wax qarsoomaya ma ahee taariikhdaa qoraysa”

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo isaguna katirsan xildhibaanada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna eedo culus u jeediyey xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu usoo jeediyey inay joojiyaan hadallada xanafta leh ee ay warbaahinta marinayaan, “dadku waa tartamayaa, laakiin xisbiga WADDANI dacaayadda iyo barobagaandhada badan ee ay wadaan ha joojiyaan, ololuhuna wuu furan yahay, rag badan oo meelo khatar ah taabanayaana way jiraan,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige(shabeel) oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn usoo dhaweeyey xildhibaanada iyo taageerayaasha kasoo jeeda degmooyinka Qorilugud iyo Wadaama-goo, isagoo dhinaca kalena jawaab adag ka bixiyey hadallo deelqaaf ahaa oo kasoo yeedhay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo xisbiga WADDANI katirsan, waxana uu yidhi,

“WADDANI siyaasiyiintii kusoo biiray afsoomaali gaboobay bay ku hadlaan imika oo 20-sano lasoo dhaafay, inaguna 20-sano dib uma noqon karno, hadalka abtigay Ismaaciil Buubaa kasoo yeedhayna anigaa uga jawaabayee abtigay 20-sano ayuu waddanka ka maqnaa waddanka berigii maleeshiyada iyo maro-aloolka la ahaa ayaa waddanka ugu dambaysay, waxanse leeyahay abtiyoow maleeshiyadii iyo Maro-aloolkiiba KULMIYE ayey ku dhan yihiin oo adiga ayuun baa ka maqan.”

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in baaxadda taageerayaasha iyo xildhibaanada kusoo biiray xisbiga KULMIYE muujinayso inay soo dhawaatay guushii xisbigu, isaga oo erayo siyaasadeed ka daba tuuray wasiirkii hore ee ee madaxtooyada oo ay wakhti siyaasadda isku jaal ku ahaan,

“waxan isleeyahay guusha KULMIYE shaki kuma jiro ninkii shaki ku jirowna aniga uun I eeg shakigu hakaa baxee, aniguba saaxiibkay Xirsi beri buu dadka ugu dheeraa, Cali-marreexaankaa wuu ka dheeraa, Maxamuud Xaashi Wuu ka dheeraa, laakiin markaanu dibadda nimi baan arkay inuu qof caadi ah yahay.” Ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Wasiirka wasaaradda wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed(cali-marreexaan), ayaa isaguna soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay cudud iyo cuudba tari doonaan xisbiga KULMIYE, “Ujeeddadeenu waa olalaa soo socdaa halkii la is yidhaahdo ragbaa ku maqan iyo gol daloolay noqon kartaaba waa la giigiijinayaa, maanta deegaanadaas aad kasoo jeedaan cid inagaga maqani ma jirto, dadkii umadda u talinayey haddii ay madax siyaasadeed tahay iyo haddii ay madax dhaqan tahay waa lagu dhan yahay xisbiga, kuwii idinka soo horreeyeyna la mid baad tihiin oo isku meel baad joogaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cali-marreexaan.

Ugu dambayntii waxa madasha soo gunaanaday guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey xildhibaanada cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu xisbiga KULMIYE taaariikhda Afrika ku galay barnaamij waxqabad oo qoran oo bulshada lasoo hordhigay, isla-markaana la hirgeliyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Xisbiga KULMIYE wax aan lagula murmayn baa jira oo waa xisbiga kali ah ee dalkanna soo maray, lagana yaabo inay dalalka Afrika ay ku dhif tahay ee intuu barnaamij siyaasadeed sameeyey bulshada la hortegay, haddan barmaanijkii fulaiyey, barnaamijka siyaasadeed ee KULMIYE waxa kamid ahaa in shaqaalaha mushaharkooda la kordhiyo, in ciidamada derejooyinkoodii la siiyo, in shaqaalaha tiradooda, tayadooda iyo dhaqaalahooda la kordhiyo oo waddooyinka dalka qayb weyn laga qaato. In la furo axsaabta siyaasiga ah waxa hal abuurkeeda lahaa KULMIYE, waana xisbi hoggaankiisa iyo qurbejooggiisuba yihiin qaar odorosaya hal-abuur siyaasi ah iyo mid dhaqaaleba oo mustaqbalka dadka wax tara.”