Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in baaxadda taageerayaasha iyo xildhibaanada kusoo biiray xisbiga KULMIYE muujinayso inay soo dhawaatay guushii xisbigu, isaga oo erayo siyaasadeed ka daba tuuray wasiirkii hore ee ee madaxtooyada oo ay wakhti siyaasadda isku jaal ku ahaan,

“WAXAN ISLEEYAHAY GUUSHA KULMIYE SHAKI KUMA JIRO NINKII SHAKI KU JIROWNA ANIGA UUN I EEG SHAKIGU HAKAA BAXEE, ANIGUBA SAAXIIBKAY XIRSI BERI BUU DADKA UGU DHEERAA, CALI-MARREEXAANKAA WUU KA DHEERAA, MAXAMUUD XAASHI WUU KA DHEERAA, LAAKIIN MARKAANU DIBADDA NIMI BAAN ARKAY INUU QOF CAADI AH YAHAY.” AYUU YIDHI WASIIR CUKUSE.