Somaliland: Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qaybgalay Qalin-jabinta Dufcaddii Shanaad Ee Ka Aflaxday Jaacadda Alpha

0
800

Madaxwayne kuxigeenka jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qaybgalay xafladda qalin jabinta ardayda jaamacadda Alpha oo shalay lagu qabtay hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiyey 361 arday oo ka aflaxay jaamacadda Alpha University.

Ugu horayn guddoomiyaha jaamacadda Alpha Prof Cabdiraxmaan Maxamed Maal ayaa khudbad qiimo leh munasibadaasi ka jeediyey, waxaana uu ka warbixiyey tirada ardayda qalin jabinaysa ee wiilal iyo gabdhaba leh sidoo kalena waxa uu guddoomiyaha jaamacaddu si wayn uga hadlay sida ay jaamacadda Alpha uga qayb qaadato dib u dhiska waxbarasho ee dalka iyo soo saarista dad ka dhisan aqoonta diinta iyo maadigaba, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii:

“Mudane, Madaxwayne kuxigeen sharaf wayn iyo tixgalin gaar ah ayay noo tahay, inad nagala soo qayb gasho xafladan qiimaha badan ee dufcaddii shanaad ee jaamacadda Alpha oo tiradoodu dhan tahay 361 arday oo boqolkiiba sagaal iyo lixdan 69% ay yihiin wiilal, boqolkiiba kow iyo sodon 31% ay yihiin gabdho oo ka kala socda kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Alpha, Mudane Madaxwayne kuxigeen waxan halkan ka cadaynayaa inay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahna qalin-jabinta shahaada koowaad ee jaamacadda shahaadooduna ay tahay mid xalaal ah, saacadaas wixii ka dambeeyana waxay ka mid yihiin aqoon yahanka jamhuuriyadda Somaliland”.

Dhamaan wasiiraddi iyo masuuliyiintii kale ee xafladda ka soo qaybgalay ayaa hadalo duco iyo dar-daaran ah u jeediyey ardayda aflaxday waxaana ay dhamaantood iska daba mareen hambalyada ardaydaasi qalin-jabinaysay iyagoo muujiyey sida ay u la qaybsadeen farxadooda.

Ugu dambayn waxaa munaasibadaasi khudbad ka jeediyey Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay aqoontu u leedahay dalka iyo baahida loo qabo dad aqoon yahan ah oo dhisan waxaana uu hambalyo u diray dhammaan ardaydan ka qalin-jabisay kulliyada kala duwan ee jaamacadda Alpha oo uu rajeeyey inuu ilaahay ku anfaco cilmiga ay barteen, waxaana uu yidhi:

“Ilaahay ayaa mahad leh waxaan leeyahay waxaad manta noqoteen aqoonyahan ku soo biiray qaranka Somaliland waxaan idiin rajaynayaa guul iyo inaad noqotaan dad u adkaysta nolosha cusub ee aad galaysaan oo najaxa, marka labaad inaad noqotaan dad anfaca waalidkiii ku soo tabcay iyo nafahooda iyo qaranka somaliland ee ay maanta wax u barteen, marka saddexaad waxaan rajaynayaa inaad noqotaan qaar wax ka bedela dhibaatooyinka dalkeenan ragaadiyey haddii ay tahay aafada tahriibka iyo haddii ay tahay qabyaaladda iyo balwadaha ayaan idiin rajaynayaa”. ayuu yidhi madaxwayne kuxigeenka Somaliland.