Somaliland: Colaaddii Deegaanka Ceel-afwayn Oo Wali Taagan Iyo Maxamuud Xaashi & Faratoon Oo Sanaag U Kicitimay.

0
1157

Xukuumadda Somaliland ayaa xoojisay gurmadka loogu jiro in la soo afjaro shaqaaqadii u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaano ka tirsan Ceel-afwane ee gobolka Sanaag.

Dhawaan waxaa deegaankaasi gaadhay wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) kaasoo qayb ka noqonayay wafti xukuumadda ka socda oo halkaasi u jooga inay nabad ku soo dabaalaan xaaladda labada beelood, waxaa sidoo kale isna shalay baxay wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo oo sii xoojin doona xubnihii sii joogay ee xukuumadda ka tirsanaa.

Sidoo kale Xukuumadda Somaliland oo markii hore isku dayday inay arrinkan gacanta ku qabato isla markaana salaadiin iyo culimo badan ka hor istaagtay inay u gurmadaan beelahaas ayaa markii dambe salaadiinta iyo madax-dhaqameedka Somaliland ku soo dartay xal u helidda shaqaaqadan dhiiga badani ku daadatay ee labada raas ee ood wadaagta ah dhexmartay, waxaana illaa hadda gaadhay gobolka salaadiin iyo cuqaal tiro badan oo soddomeeyo ku dhaw.

Todobaadkii hore ayuu wasirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddaani isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabp waxa uu sheegay inay soo afjareen colaaddii labada beelood balse odayaal ka soo jeeda labada raas ayaa beeniyey warka wasiirka waxaanay sheegeen inaanu jirin wax xal ah oo xukuumadda Somaliland arrinkaasi ka soo saartay.

Ugu dambayn haddii ay waftigan wasiirada ahi ku guuldaraystaan xal u helidda colaadaas iyo sidii loo soo afjari lahaa waxay sababi kartaa dhiig hor leh oo daadatay iyadoo marka horeba xukuumadda lagu canaantay inay arrinkaasi ka gaabisay.