Somaliland: Layaab: Gudd. Faysal Oo Garsoorka Maxkamadda Sare Ka Codsaday Inay Tafsiir Sharci Ka Bixiyaan Gaf Uu Ku heegay Gacan U Taaggii Uu Jamaal Ugu Doortay Musharraxnimada!

0
755

Dood Kulul Oo Aan Waxba La Iskula Hadhin Oo Jamaal Cali Xuseen Iyo Faysal Cali Waraabe Dhex Martay Iyo Halka Lakala Taagan Yahay

Garsoorka Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah ayaa shalay hal Kal fadhi ku soo gunaanaday Dhagaysiga Dacwadii u dhexaysay garabyadda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee ay kala hogaaminayeen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Eng Faysal Cali Waraabe,taasi oo ka soo gudubtay Gudida Diwaan-Galinta Ururada Siyaasada Somaliland oo mid ka mid ah Labadan Garab ka soo racfaan qaatay Xukun ay Gudidaasi ka soo saartay khilaafkan kadib markii ay u garnaqday Labadan Garab. Waxa ay Faysal iyo Jamaal iswaydaarsadeen dood aad loola dhacay oo ka qoslisay Dadkii hoolka Dacwada ku jiray.
Dhagaysiga Dacwadan u dhexaysay Garabyadda Xisbiga UCID oo shalay ka dhacday Hoolka weyn ee Maxkamada Sare ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Xubnaha Labada Garab ee Khilaafku ka dhex taagan yahay ee Xisbiga UCID ee ay kala hogaaminayaan Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe,Qareenadda labada dhinac u doodayay oo min Saddex Garyaqaan ka koobnaa,11-ka Garsoore ee Maxkamadda Sare oo uu ku jiro Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaan Aadan Xaaji Cali,iyo Dad weyne kala oo aad u xiisaynayay Dhagaysiga Dacwadan. Waxa uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaan Aadan Xaaji Cali u maamulay Dacwadaasi dhagaysigeeda si layaaleh oo ay ka mabsuudeen labadii garab ee dacwado ka dhexaysay iyo Dadkii dhagaysanayayba,waxa uu labada dhinacba siiyay Wakhti badan iyo Fursad badan taasi oo u saamaxday inuu dhinac kastaa iskii uga qanco dood Sharciyoodkooda.waxa ay Ku dhawaaqista Natiijadda Dhacwadaasi ay Garsoorka Maxkamada sare dib ugu riixeen maalin kale,Waxaana laga sugayaa maalmaha Soo socday inay Maxkamada sare Xukun ka soo saarto.
Haddaba gabo gabadii Dhagaysiga Dacwadaasi,oo ay Garsoorayaasha Maxkamada sare su’aalo ku waydiiyeen Labada Garab, una ogolaadeen inay Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe Dood ka dhiibtaan,ayaa waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe soo bandhigay Codsi mar Qudha ka qosliyay dadkii hoolka Dhagaysiga Dacwada ku dhex sugnaa,waxa uu qirtay inuu u codeeyay inuu Jamaal Cali Xuseen uu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID,Waxaase uu raaciyay Codsi yar,kaasi oo uu Garsoorka Maxkamada sare ka codsay inay tafsiir sharci ka bixiyaan Waxa uu ugu yeedhay Qalad shaqsi ah oo uu maalintaasi galay,waxa uu ku dooday inuu farta u taagay Musharaxnimadda Jamaal islamarkaana uu u arko Khalad Sharci oo uu sameeyay,kaasi oo uu sheegay inuu ka hor imanayo Xeerkii Xisbiga,waxaanu maxkamada ka dalbaday inay tafaasiil sharci ka bixiyaan khaladkaasi uu sheegay inuu isaga ku kooban yahay,waxa ay Weedhahaasi qosol gariir ku rideen dhamaan dadkii Dacwada dhagaysanayay,taasi oo loo arkay inuu Faysal raadinayo qiil uu ku daboolo ama iskaga dufaaco Muuqaalka Faysal oo farta u taagaya Codayntii Musharaxnimada Madaxweyne ee Jamaal,kaasi oo ay Projector ku sideen Qareenada Jamaal,islamarkaana ay doonayeen inay soo bandhigaan,balse waxa la hagiyay soo bandhigista Muuqaalkaasi kadib markii uu qirtay Faysal inuu Jamaal Farta u taagay oo aanu dafirsanayn.
Sidoo kale Waxa uu Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID ku dooday in Gudoomiyihiisu isdiidsiinayo heshiiskii ay wada galeen islamarkaana aanay jirin meel u kabaxaa. Waxa uu Maxkamada ka codsay in la tixgaliyo Heshiiskaasi,islamarkaana aad loogu fiirsado oo la fahmo bud-dhiga dacwada uu Faysal ku doodayo oo uu ku sheegay inay tahay mid Xisbiga UCID lagu burburinayo oo saaxada lagaga saarayo.waxa uu ka sheekeeyay qaabkii uu ugu soo biiray Xisbiga UCID iyo Hantidii uu ku bixiyay Tartankii ay ka soo gudbeen ee Xisbiyada badan taasi oo uu farta ku fiiqay inuu Isaga ahaa shaqsigii lacagta iyo Hawlgalkabada waday ee maalkiisa ku soo saaray UCID,islamarkaana aanu la’aantii Xisbiga UCID Soo baxeen ee uu ku hadhi lahaa Tartanka.
Dhinaca kale,waxa dhagaysiga Dacwadaasi cadaatay inay labada dhinac isku seegan yihiin oo qudha awood qaybsiga Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga UCID,Kaasi oo ay Gudida Diwaangalinta Ururadu ku xukuntay inay labada Garab si siman umaamulaan qabashadiisa, waxa arintaasi toos uga soo horjeeda Garabka Faysal Cali Waraabe,oo awood badan ku doodaya islamarkaana daadafinaya inay Garabka Jamaal la maamulaan,balse waxa laga dhursugayaa go’aanka ay ka soo saarto Maxkamada sare,inay ayido Xukunkii Gudida Diwaangalinta iyo inay wax ka duwan soo saarto.