Somaliland: Garyaqaan U Doodayay Mid Ka Mida Garabyada UCID Oo Heshiiska Ay Wada Galeen Jamaal Iyo Faysal Lamaseeyay Heshiis Wakhti Hore Oo Adkaa Ay Kala Saxeexdeen Siilaanyo Iyo Wasiir Caddami Oo Hal Bacaad Lagu Lisay Noqday

0
848

Mid ka mid ah Qareenadii u doodayay Dhinaca ka mid ah Labada Garab ee Xisbiga UCID ee Shalay dhagaysiga Dacwadoodu ka furantay Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dooday in Heshiiskii ay wada galeen Eng Faysal Cali Waraabe iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee ku saabsan Awood qaybsiga Xisbiga UCID iyo Musharaxnimada Madaxweyne uu ahaa mid siyaasadeed oo aan rasmi ahayn islamarkaana uu la mid yahay heshiis Wakhtigii uu Gudoomyaha Kulmiye ahaa ay kala saxeexdeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Hadda Jooga Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,kaasi oo markii dambe hal Bacaad lagu lisay lagu noqday.
Garyaqaan Guleed Ahmed Jama (Guuleed Dafac) oo Shalay ka mid ahaa Qareenadii u doodayay Garabka uu hogaaminnayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isagoo difaacaya Muwakilkiisa,Waxa uu Heshiiskii ay wada galeen Faysal iyo Jamaal ka dhigay mid siyaasadeed oo aan rasmi ahayn,waxaanu barbar dhigay oo uu la maseeyay Heshiis siyaasadeed oo uu Madaxweyne Siilaanyo la saxeexday Garab ka mid ahaa Raggii ugu miisaanka Cuslaa Xisbiga Kulmiye, oo ka duday Shirweynihii uu Xisbiga Kulmiye ku qabsaday Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 2008-dii,Wakhtigaasi oo ay Siilaanyo soo waajahday Xaalad Adag oo uu dirqi ku sigtay inuu Xisbiga Kulmiye kala daato,waxa ka mid ahaa Garabkii Wakhtigaasi ka duday Kulmiye,Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami iyo Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay Somaliland Muj Cabdiraxmaan Awcali Faarax(Tolwaa), waxaanu heshiis uu ku soo lad-qabaynayay uu Siilaanyo la galay kooxdaasi miisaanka Cuslayd ee ka duday. Sida uu Garyqaan Guuleed ku soo dood qabsaday ,waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Kooxdaasi barigaasi ku qanciyay Heshiis uu kula galay inuu Cadami ka dhigi dooni Raysal Wasaare, haddii uu ku guulaysto Taladda Dalka Somaliland taasi oo hal bacaad lagu lisay Noqotay Markii uu Talada ku guulaystay islamarkanaa u muuqata inuu ugu badelay inuu ka dhigo Wasiir aan ka dhicin Xukuumaddiisa.
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ku dooday in Heshiiskaasi ay Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Wada Galeen 2012-kii shirkii ka dhacay Hoteel Ambassador uu ahaa mid siyaasadeed,oo aan laga xisaabtami Karin islamarkaana aan waxba la iska waydiin Karin,waxa uu ku dooday in Heeshiiskaasi qabyo yahay oo ay u dhiman tahay hal daro oo ah in Shirweyne laga ansixiyo.Waxa uu ku dooday Garyaqaan Guuleed in Madaxweyne Siilaanyo laftiisuba uu Kooxdaasi uu Cadami ku jiray uu u qoray qoraal rasmi ah oo saxeexan balse uu ahaa mid siyaasadeed oo aan maxkamada la isku dacwiyi Karin,waxa uu carabka ku adkeeyay in la fahmo heshiisyada noocaasi oo kale ah ee inta badan dhex mara Siyaasiyiinta ee Danta Siyaasiga ku qotoma. Arintaasi ayaa aad uga qoslisay dadkii dacwada dhagaysanayay kuwaasi oo dib u xasuustay duufaanadii uu Xisbiga kulmiye iyo Siilaanyo soo wada mareen iyo Xaalada ka dambaysay.