Dhammaan Liiska Ciyaartoygii Lala Kala Wareegay Tan Iyo Xalay Saqdii Dhexe Markii Uu Xidhmay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoygu

0
821

Waxaa xalay saqdii dhexe soo xidhmay suuqa kala iibsiga ciyaartodya ee xagaaga oo sida caadada ah sannad walba la soo xidho saq-badhka 31/August, iyadoo maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ay dhaceen saxeexyo xiiso badan, David Luiz oo ku soo laabtay Chelsea, Wilshere oo amaah ugu biiray Bournemouth, Islam Slimani oo ku biiray Leicester City iyo Cuadrado uu ku laabtay Juventus.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo ururinay dhamaan liiska saxiixyada la dhameystiray ee suuqa kala iibsiga ee dhacay maalintii ugu danbeysay ee suuqa ee Deadline Day.

David Luiz ayaa heshiis 32 milyan ginni ah uga tagay Paris Saint-Germain waxaana uu ku laabtay Chelsea.

Moussa Sissoko waxa uu heshiis 30 milyan ginni uga tagay Newcastle waxaana uu ku biiray Tottenham oo ciyaaryahanka ka hoos xaday Everton.

Jack Wilshere ayaa heshiis amaah ah uga tagay kooxda Arsenal waxa uu ku biiray kooxdaBournemouth.

share

 

Mario Balotelli waxa uu heshiis xor ah kaga tagay Liverpool waxa uu ku biiray kooxdaFaransiiska ee Nice.

Juan Cuadrado wuxuu amaah seddex sannadood ah uga tagay Chelsea wuxuuna ku biirayJuventus.

Lazar Markovic ayaa heshiis amaah hal sanno uga tagay Liverpool wuxuu ku biiraySporting Lisbon

Christian Atsu ayaa heshiis amaah hal sanno ah uga tagay Chelsea wuxuu ku biirayNewcastle.

Inner Valencia ayaa ka tagay West Ham heshiis amaah hal sanno ahna ugu biiray kooxdaEverton.

Mbokani ayaa heshiis amaah ah uga tagay Dynamo Kiev waxa uu ku biiray Hull City.

Ezequeil Garay ayaa ka soo wareegay kooxda Zenit waxaana uu si rasmi ah ugu biirayValencia.

Eliaquim Mangala wuxuu amaah uga tagay Manchester City wuxuu ku biiray Valencia.

Marcos Alonso wuxuu ka tagay Fiorentina waxaana uu heshiis 23 milyan ginni ugu biiray kooxda Chelsea.

Hal Robson-Kanu ayaa si xor ah ugu biiray kooxda West Ham, waa xiddigii weerarka uga ciyaarayay Wales tartankii Euro 2016.

Mati Fernandez ayaa tagay kooxda Fiorentina, waxaana kubadsameeyaha 30 jirka ah uu ku biiray AC Milan.

Nikola Maksimovic waxa uu ka tagay kooxda Torino waxaana uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Napoli heshiis 27 milyan euro ah.

Lucas Paizon ayaa heshiis amaah ilaa iyo 15ka Janaayo uga tagay Chelsea waxa uu ku biiray Fulham.

Serge Gnabry wuxuu ka tagay Arsenal wuxuu ku biiray Werder Bremen heshiis joogta ah oo 5 milyan ginni ah.

Allan Nyom ayaa ka tagay kooxda Watford waxaana uu si joogta ah ugu biiray West Brom

Georges-Kevin N’Koudou ayaa ka soo wareegay Marseille wuxuuna ku biiray kooxdaTottenham.

Umar Sadiq ayaa heshiis amaah hal sanno uga tagay AS Roma waxa uu ku biirayBologna.

Alvaro Arbeloa ayaa si xor ah ugu biiray kooxda West Ham isagoo ku soo laabtay Premier League.

Goolhaye Pau Lopez ayaa amaah uga soo tagay Espanyol waxa uu ku biiray Tottenham

Andre Wisdom ayaa amaah uga tagay Liverpool wuxuu ku biiray Redbill Slazburg

Luis Alberto wuxuu ka tagay Liverpool wuxuuna heshiis 6 milyan ginni ah ugu biirayLazio.

Samir Nasri wuxuu amaah uga tagay Manchester City wuxuu ku biiray Sevilla

Joe Hart wuxuu amaah uga tagay Manchester City wuxuu ku biiray Torino.

Burno Martins Indi wuxuu amaah uga tagay FC Porto wuxuu ku biiray Stoke Citykuwaasoo si joogta ah u la wareegi kara xagaaga danbe.

Wilfreid Bony wuxuu amaah uga tagay Manchester City wuxuu ku biiray Stoke City

Nigel de Jong wuxuu ka tagay LA Galaxy waxa uu ku biiray Galatasaray heshiis labo sannadood ah.

Clinton Njié wuxuu amaah uga tagay Tottenham wuxuu ku biiray Marseille.

Adama Traore ayaa ka tagay Aston Villa kuna biiray kooxda Middlesbrough.

Jeff Hendrick ayaa heshiis rikoorka kooxda Burnely ah ugu biiray kooxda ka dhisan Premier League.

Didier Ndong waxa uu ka soo wareegay Llorient wuxuu ku biiray Sunderland heshiis 13.6 milyan ginni ah

Gokhan Inler wuxuu ka tagay Leicester City wuxuu ku biiray Besiktas

Omer Atzil wuxuu ka tagay Beitar Jerusalem wuxuu ku biiray Granada

Caner Erkin wuxuu ka tagay Inter Milan wuxuu ku biiray Besiktas

Shani Tarashaj wuxuu amaah kaga tagay Everton wuxuu ku biiray kooxda JarmalkaEintrachtr Frankfurt.

Goolhayaha khibrada leh Lee Grant oo amaah ilaa iyo Janaayo ah uga soo wareegay Derbykuna biiray Stoke City.