Guddoomiye Cirro Oo Ka Qayb-galay Xaflada Caleemo Saarka Suldaanka Ugu Da’ada Yar Salaadiinta Somaliland.

0
722

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka aroortii hore u jarmaaday Tuulada Qotton-dabo ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex, isaga oo ka qayb galaaya caleeba saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi.

Safarka uu saaka ku baxay guddoomiye CIRRO,ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay ka qayb galayeen caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal),oo lagu caleemo saarayo tuulada Qotondabo ee bariga magaaladda Hargeysa.

Wefdigan uu hoggaaminayo guddoomiye CIRRO,ayaa waxay soo dhaweyn ballaadhan kala kulmeen shacabka tuulada Qotton-dabo,waxaana ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan.

Salaadiin,Wax-garad iyo cuqaal ku soo dhaweeyey guddoomiye Cabdiraxmaan CIRRO,iyo wefdigiisa tuuladaasi ayaa u galbiyey goobta uu ka dhacayo caleemo-saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe),oo ka dhaceysa deegaankaasi ee Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal).