Maamulaha Laanta DAHABSHIIL BANK ee Magaaladda Hargaysa Oo Maanta Hargaysa Ugu Soo Xidhay Tababar Muddo Saddex Cisho Ah U-Socday Shaqaalaha Baanka

0
824

Guddoomiyaha laanta Baanka Caalamigga ah ee DAHABSHIIL BANK,ayaa maanta waxa uu Magaaladda Hargaysa kusoo xidhay tababar kur looggu qaadayay aqoonta maamul ee shaqaalaha Baanka Dahabshiil oo muddo labbo cisho ah u socday.

Tababarkan,ayaa waxa lagu baranayay Tayaynta hawlaha maamulka shaqadda,waxaana bixinaysay Haay’adda magaceedda la-yidhaahdo AL-AMAANAH CONSULTANCY LIMITID oo inta badan ka shaqaysa dalalka uu ay ka shaqeeyaan Bankiyadda Islaamigga ah ee guud ahaanba Caalamka.

Ugu Horayn,waxa halkaasi ka hadlay Masuulka ka socday Haay’adda AL-AMANA ee tababarka bixinsaysay oo magaciisa la-yidhaahdo Ismaaciil Aadan Iidleh,ahna khabiir caalami ah,waxaana uu tilmaamay muhiimadda uu tababarka noocan ahi u leeyahay  shaqaalaha Shirkadda Caalamigga ah ee DAHABSHIIL oo uu tilmaamay inuu wax-weyn ka bedeli doono hanaanka shaqo iyo shaqaale ee shirkadda.

“  Shirkaddan aan ka socdo ee tababarka bixinaysa,waxa uu takhasuskeedu yahay inay tababaro Siiso Baananka Ismaamigga ah eek u yaalla;Barigga dhexe iyo afrika,waxaanan u imid in aan tabobarkan tayaynta Maamulka shaqaalaha aan siiyo shaqaalaha Shirkadda DAHABSHIIL,Waxaana uu tabobarkanni socday muddo saddex cisho ah,waxaana kasoo qeyb-galay dad tiraddoodu ay yihiin 16 Qof,waxaana ujeedka ugu weyni yahay in kor loo qaado adeegga la siinayo macmiisha Baanka,si loo gaadho macmiishu wax-kasta oo ay u baahan-yihiin iyo wax kasii badan”.

Waxa isagguna halkaas ka hadlay oo tabobarkanna soo xidhay Gudoomiyaha Laanta DAHABSHIIL BANK ee Magaaladda Hargaysa,Maxamed Siciid Cawaale oo ku hadlayay afka Maamulaha guud ee Bankigga DAHABSHIIL,waxaana uu si weyn u ammaanay shaqaalaha mudda saddexda cisho ah tababarka qaadanayay,waxaana uu sidoo kale u mahad-celiyay Khabiirka Tabobarka bixinayay.

“ Waxa shaqaale-ahaan inala gudboon inaynu fulino aqoontaas ay baranay,aqoontii weynu baranay,weynu weelaynay,si fiicana runtii weynu u deris-nay,weynuna dareenay in shaqaddeena kor-u-qaadideedu u baahan-tahay inaynu tayayno shaqadda aynu qabanayno iyo addeegga ay Macmiilka u samaynayno.DAHABSHIIL GROUP,waa shirkad qansica macaamisheeda oo ku dedaasha tayaynta adeegga ay qabanayso oo waxay qabataan uu adeeg u badan-yahay,haddii ay tahay SOMTEL ama DAHABSHIIL BANK,qeybta Xawaaladda iyo qeybta Sarrifka,sidaas darted meel kasta Siminaaro ayaa ka socda aqoonta shaqaalaha kor-looggu—qaadayo”. Ayuu yidhi maamulaha laanta baanka DAHABSHIIL ee magaladda Hargaysa oo soo xidhay tababar shaqaalaha shirkadda ugu socday muddo saddex cisho ah magaaladda Haraysa.

DAG1 DAG2 DAG4 DAG5 DAG6 DAG7 DAG8 DAG9 DAG10 DAG12 DAG11