Magacyada 22 madax-dhaqameed Been Abuur ah Oo iyagoo Metelaya Somaliland xulaya Baarlamaanka Maamulka Muqdisho

0
188

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu toddobaadkii hore qorayay xogo uu helay oo sheegayay in dawladda Somaliya magaalooyinka Somaliland ka daabulayso dad reer Somaliland ah oo ay ku sheegayso inay yihiin madax-dhaqameed, balse ah rag been abuur ah oo loo sameeyay darajooyin dhaqan oo aan jirin si ay u xulaan dad reer Somaliland ah oo doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Somaliya.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo Geeska Afrika u waramay, ayaa madaxweynaha Somaliya uga digay inuu bililiqo ku sameeyo madaxda dhaqanka Somaliland islamarkaana uu sameeyo madax-dhaqameed aan jirin si uu ugu xalaalaysto danihiisa siyaasadeed oo ay ugu ansixiyaan dadka uu doonayo inay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya si ay codka u siiyaan marka loo tartamayo jagada madaxweynaha Somaliya.

Wuxuu kaloo Suldaan Maxamed ugu baaqay hay’adaha ammaanka Somaliland inay indho gaar ah ku eegaan dadkaas oo ay talaabo ka qaadaan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 22 magac oo ka mid ah raggaas uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka urursaday magaalooyinka Somaliland, inkastoo ay qaarkood horeba u sii joogeen magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Liiskan oo aanay ku dhammayn beelaha Somaliland, wax ka maqan beelaha Harti, waxase ku dhan beelaha kale ee Somaliland, waana siyaasadda kala furfurka ee dawladda Somaliya ay ku hayso bulshada reer Somaliland.

Akhri magacyada iyo beelaha  ragga madax dhaqameedka sheeganaya ee tagaya magaalada Muqdisho.

  • Suldaan Xuseen Nuur Xirsi                                  Samaroon Maxamed Case
  • Suldan Abiib Sh Maxamuud                                 Samaroon Habar Cafaan
  • Suldaan Diiriye Geele Cali                                     Samaroon Maxamed Case
  • Suldaan Maxamed Aadan Ashkir                         Samaroon Makaahiil
  • Suldaan Cabdiqani Cabdilaahi Maxamed Faad    Isaaq/ Habaryoonis
  • Suldan Caydaruuus Saalax Ibrahin                        Isaaq/Habaryoonis
  • Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul            Isaaaq/Habaryoonis
  • Caaqil Maxamed Aadan Cabdilaahi Ducaale       Isaaq/Ciidagale
  • Xasan Maxamed Maax                                             Isaaq/Ciidagale
  • Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar              Isaaq/Habarjeclo
  • Suldaan Siciid Diiriye Maxamed Aw Aadan         Isaaq/Habarjeclo
  • Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale    Isaaq/Habarjeclo
  • CabSuldaan Ibraahin Caraale Cabdalla                 Isaaq/Arab
  • W/Suldaan Cumar Cali Caraale Yuusuf                 Isaaq/Arab
  • Suldaan Cabdilaahi Yuusuf Xasan                            Isaaq/Habar Awal
  • Suldaan Maxamuud Haaruun Xasan                       Isaaq/Habar Awal
  • Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed             Isaaq/Habar Awal
  • Suldaan Cali Cabdi Siciid guuleed                             Isaaq/Toljeclo
  • W/Caaqil Maxamuud Jaamac                                    Boqore Ciise
  • Caaqil Maxamed Ibraahin Sahal                               Babdoon Ciise
  • W/Caaqil Faysal Boodhle                                          Codaawe  Ciise
  • W/Caaqil Xirsi Xaaji                                                   Gaboobe Ciise

Geeska

Comments

comments