Telefishanka HCTV Oo Ka Guulaystay Madaxwaynaha Kililka Shanaad Iyo Sherkaddii Hawada Ka Saartay Oo Raaligalin Ka Bixisay.

0
708

Telefishan Horn Cable tv ayaa dib u ugu soo noqday hawada qaarada afrika ka dib muddo 8 maamood ah oo uu ka maqnaa sida ka dib markii ay dacwad ay u gudbiyeen dawlad deegaanka somalida ee Itoobiya shirkadda RR MEDIA oo ka mid wakaaladaha uu isticmaalo Thaicom 5 oo fadhigoodu yahay dalka Israa’iil taasi oo sababtay in Horn Coble Tv in aan laga daawan qaarada afrika inteeda badan, waxa ay dacwadani timid ka dib markii uu Telefishan Horn Cable tv uu baahiyay warar la xidhiidha dhacdadii Jaamac Dubad ee degmada gaashaamo.

Soo laabashada Telefishan Horn Cable tv ayaa timid ka dib markii uu xidhiidh toos ah la sameeyay garyaqaanka guud ee qaarada yurub u jooga Telefishan Horn Cable tv wakaalada RR MEDIA oo ka mid wakaaladaha Tecom 5 ee fadhigeedu yahay dalka Isra’iil, iyaga oo ka wada hadlay in Telefishan isticmaalaya hawadood si fudud loo xidho.

Wakaalada RR MEDIA ayaa garwaaqsatay inay raaligalin buuxda ka bixiso xidhitaanka Telefishan Horn Cable tv iyaga muddo 24 saacadood gudahooda ku soo celiyay hawada, waxaanay raaligalintaa u soo direen guddoomiyaha Telefishan Horn Cable tv Farxaan Xaaji Cali Axmed waxaana lagu gudo jiraa sidaa ay RR MEDIA magdhaw uga bixi lahayd muddadii uu Telefishanku hawada ka maqnaa.

Arrinta xadhiga Telefishan Horn Cable tv ayaa sababta in afduub loo gaysto wariyihii Telefishanka uga soo warami jiray gobolka gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim oo waxa isaga iyo afar wariye oo kale la geeyay wakhti habeenimo ah la geeyay Magaalada Jigjiga iyada oo si gaar ah loola hadhay Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo xabsiga loo dhaadhiciyay oo muddo 8 cisho ah ugu xidhan sifo aan cadayn.

Xukuumadda Somaliland ee hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo iyadu masuul ka ah xaqa muwaadin reer Somaliland ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga wariyaha iyo Telefishan Horn Cable tv, waxaana ay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay ka bixiyeen hadalo is khilaafsan oo sheegaya qaar ka mid ah in xidhiidh la sameeyeen halka qaar kale ay sheegeen in aanay wax xidhiidh ah la samaynin, wasiir wasaaradda arrimaha dibadda Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay wax xidhiidh ah la samaynin waxaanu yidhi “arrinka xidhitaanka wariyaha annigu runtii tafaasiishiisa ma hayo laakiin waxa aanu ka rajaynaynaa kana codsanaynaa cidii haysa inay u xaqsoorto oo ay sharciga mariso”, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa isagu sheegay inay xidhiidh la sameeyeen waxaanu yidhi “waanu kala xidhiidhnay arrintaasi si dhakhso ah ayay u dhamaanaysa annigu dee waxa aanu nahay dawladdu dee dawladahuna si gaar ah ayay u wada hadleen”