Somaliland: Martiqaadka Somaliland Ee Shariif Iyo Faroole, Dagaalka Cusub Ee Aala-Sheekh Iyo Dammu-Jadiid Iyo Sababta Siilaanyo U Casuumay Musharraxiinta Dawladda Somalia Ee Aan Ogolayn Qaddiyadda Somaliland

0
869

Xogo Hoose Oo Wargeyska FOORE Helay Iyo Xidhiidhada Qarsoon Ee U Dhaxeeya Faroole, Sheekh Shariif Iyo Madaxtooyada Somaliland

adib markii ay dhawaan soo shaac baxday in xukuumadda Somaliland marti-qaad u fidisay Madaxweynayaashii hore ee Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Sh. Shariif Sheekh Axmed oo ay ku casuumeen Xuska sannad-guurada 18-ka May ee dhawaan looga dabbaal degi doono dalka oo dhan waxa soo baxaya xogo qarsoonaa oo tilmaamaya halka uu salka ku hayo isku xidhaanshaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxtooyada Somaliland.
Xogo rasmi ah oo Wargeyska FOORE ka helay arrintan ayaa tibaaxaya in Martiqaadkan Somaliland u fidisay masuuliyiintan xilalka ka soo qabtay Soomaaliya wakhtigana labaduba u taagan doorashada soo socota ee dalkaasi Soomaaliya ka dhacaysa sannadkan dabayaaqadiisa ay ka dambaysay is-bahaysi marka hore u dhaxeeya faroole iyo Sheekh Shariif iyo Madaxtooyada Somaliland oo aan la ogayn qorshe ay ka lahayd martiqaadkaasi.
Tartanka Aala-Sheekh Iyo Dam-Jadiid Iyo Is-Bahaysiga Faroole Iyo Sh. Shariif:
Sida in badan oo idinka mid ahi la socoto talada dalkaasi Soomaaliya waxa gacanta ku hayay afartii sano ee ugu dambeeyey kooxda Damu-jadiid ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud halka Musharraxii doorashadii ugu dambaysay lagaga adkaaday uu ahaa Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Muqdisho Sheekh Shariif Sh. Axmed kaasi oo isagu ah xubin firfircoon oo ka tirsan garabka AALA-SHEEKH loo yaqaano oo ah unug hoose oo isku xidhan sida kooxda Damu-jadiid. Tartanka doorashada soo socota ee dalkaasi Soomaaliya waxa uu dhex mari doonaa labadan kooxood ee Aal-sheekh iyo Damu-jadiid, waxaana xusid mudan in Kooxda Aala-sheekh ay xoojinayso is-shararxaada Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole kaasi oo al sheegay in uu ka tirsan yahay kooxda Aala-sheekh aadna uga soo horjeedo kooxda Xasan Sheekh ee Damujadiid. Xidhiidho hoose oo muddooyinkii dambe dhex marayay Faroole iyo Sheekh Shariif waxa ay keeneen is af-garad iyo is bahaysi ku aaddan doorashada soo socota ee Soomaaliya waxaanu kulankoodii ugu dambeeyey ka qabsoomay wiiggan Jamhuuriyadda Jabuuti intii lagu guda jiray xafladdii caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan jagada Madaxtinimo ee dawladda Soomaaliya halka la filayo in maalmaha soo socda uu Sheekh Shariif isna ku dhawaaqi doono in uu isu soo taagi doono doorashadaasi, waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in labadan masuul is bahaysan doonaan si ay uga hor tagaan kooxda Damu-jadiid oo mar kale doonaysa in ay soo celiyaan Xasan Sheekh Maxamuud. Garabka Damujadiid ayaa iyana si weyn ugu hawlan sidii ay dhaqaale badan ugu soo xero galin lahaayeen xildhibaanada laga xuli doono Somaliland ee maamulkaasi ka qayb galaya oo ay doonayaan in ay lacago badan ku bixiyaan si ay taageeradooda u helaan halka kooxda Aala-sheekh oo dhabarka ku haysa dad badan oo kale ay iyana doonayaan in ay dhinacooda ka kasbadaan dadka reer Somaliland ee baarlamanka dalkaasi Soomaaliya ka qyab gali doona.
Somaliland Iyo Is-Bahaysiga Ala-Sheekh:
Illaa imika si rasmi ah looma oga sababta keentay marti-qaadka Faroole iyo Sheekh Shariif ee Somaliland iyo ujeedada ay ka leedahay arrintaasi xukuumadda Somaliland balse waxa wararka qaar sheegayaan in martiqaadka Somaliland ka dambeeyey codsi uga yimid Sheekh Shariif si uu taageero uga helo ugana kaambayn garaysto xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb gali doona xildhibaanada dalkaasi Soomaaliya loo dhisayo. Wali lama oga siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo ee labadan nin (Faroole iyo Shariif) ku aaddan, kuwaasi oo u sharraxan waddankaasi Soomaaliya walina ku dhaggan mabda’ooda cad ee aan leex leexadka lahayn ee ay horraysa iyo dambayso kaga soo hor jeedaan Qaddiyadda Somaliland.
Faroole Iyo Shariif Maxay Hore Uga Yidhaahdeen Qaddiyadda Somaliland?
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo Madaxweyne ka soo noqday Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland wakhtigana u taagan tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Puntland ka soo jeedda kuwa ugu afka xun ama ugu adadag ee aadka uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland. Mudadii uu xilka Madaxtooyo ee Garoowe fadhiyey marar badan oo wax laga waydiiyey Qaddiyadda Somaliland waxa hadaladiisii taariikhda galay ka mid ahaa: “Annagu ma nihin kuwan Soomaalinimadii ka baxay (Somaliland) ee bannaanka jooga, mana nihin kuwan waxba noqon waayey (Soomaaliya), laakiin waxa aanu u taaganahay in midnimada Soomaaliya marna aan la taaban Karin”.
Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweyne ka ahaa dawladdii Ku Meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya marar badan oo wax laga waydiiyey qaddiyadda Somaliland waxa hadaladiisii keydka galay ka mid ahaa kuwan: “Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan, waana shay muqaddas ah, waxaan u dhaartay in aan ilaaliyo midnimadaasi, qolyahan reer waqooyina (Somaliland) waanu ku soo dabaali doonaa midnimada ummadda soomaaliyeed”.
Gabogabo:
Waxa shacabka Somaliland is waydiinayaa oo la dhako faarsan yahay, sababta keentay martiqaadkan, U Ja-jabnaanta madaxtooyadeena ee dhinaca Soomaaliya halka uu Somaliland dhigi doono iyo xaaladahan cusubi halka ay sal dhigi doonaan iyada oo aan la ogayn sida Somaliland uga badbaadi doonto shirqoolo halis badan oo dul hoganaya, wakhti xukuumaddan muddo xileedkeedu gabaabsiga yahay ay ku hawlan tahay hanta urursi iyo dano dhaqaale.