Somaliland: Ma Dhabaa In Madaxtooyadu Diyaarisay Qorshe Ay Injineer Cali Xoor Xoor Ku Badelayso Agaasimaha Diinta Kadib Saxeexii Uu Diiday

0
790

Ma Dhabbaa In Eng. Cali Xoorxoor Saluugay Heshiiska Hordhaca Ah Ee Xukuumaddu La Gashay Imaaraadka Kana Gaabsaday In uu Saxeexo

Warar Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxtooyadda Somaliland diyaarisay inay Dekeda Berbera umagacawdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iy Awqaafka Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali,kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu Gabi ahaanba ka soo horjeestay inuu saxeexo Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera ee ay wada galeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Dalka Imaaraatka Carabtu.
Warar Xaqiiqo ah oo Wargeyska Foore ka helay Madaxtooyadda Somaliland ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka warkan,waxaana la sheegay in Markii ay Madaxtooyaddu heshay tuhuno muujinaya sida uu Eng Cali Xoor Xoor uga waji dadbayo arinta ku saabsan Shirkada Imaaraatiga ee lagu wareejinayo Dekeda Berbera,in Madaxtooyadu u yeedhay Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Berbera,imikana ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali,islamarkaana loo sheegay inuu u diyaar garoobo in Dekeda Berbera la geeyo. Wararkan ayaa intaa ku daray in Talaabadani ay Xukuumaddu Dhaq- dhaqaaajisay ay wada gaadhay guud ahaan Deegaanka Gobolka Saaxil ee ay labadan nin ka soo jeedaan.
Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor ayaa sida la sheegay aad uga xumaaday Cadaddka Lacageed ee Shirkadaasi ay Xukuumaddu kula heshiisay inay Ku Maalgaliso Dekeda Berbera,isagoo isbarbar dhig ku sameeyay Heshiiskii shirkadani la gashay Wadanka Jabuuti oo lacag aad u badan heshiis kula gashay Qandaraaska Dekeda Jabuuti. Waxa uu Eng Cali Xoor Xoor shaqsiyan u arkaa in heshiiskaasi lagu deg degay balse waxa ka awood batay Xukuumaddan wakhtigeedu sii dhamaanayo oo Lacag urursi ku jirta,waxaana Markiiba la diyaariyay Shaqsigaasi lagu badelayo. Shacabka Somaliland ayaa isha kuhaya suurtagalnimada Heshiiskaasi iyo Halka ay ku dambayso Dekeda Berberi.