Somaliland: Siyaasigga Cali-Gurray Oo Ka Hadlay Sababta Ay Dadweynaha Reer Hargaysa Dhabarka Ugu Jeediyeen Diwaan-galinta Cod-bixiyayaasha

0
696

Hargaysa hadii ay diiwaangelin iyo codbixinba nacaan waa lagu kelifay. Doorasho aan xor iyo xalaal midna ahayn oon waxa lagu kala badinayaaba ahayn codkii ay dhiibteen ee maalinta dhan cadceeda u taagnaayee balse inta codkii ay dhiibteen laga daba tago warqadihii ay ku codeeyeen been abuur lagu tirtirayo oo kombiyuutaradii amaan ahayn ee wax la is daba marinayo ayaa ka mid ah arimaha keenay inay hadhka uga dhacaan oonay waxba is daalin. Waxay arkayaan kuwii ay doorteen Madaxwayne ilaa Gole Degaan oo hoojiyay. Waxa ka daran waxay arkayaan in kii la is yidhaa malaha kaas baa la qaatay dagaal Madaxtooyada laga wado lagu qaadayo ama Kulmiye ha ahaado ama xisbi kale ha ahaado eh. Reer Hargeysa way ka xog ogaalsan yihiin dadka ku nool gobolada Iyo degmooyinka oo waa siru daari. Halka ay wax marayaan halka wax lagu wado iyo sida ay wax yihiin bay ogyihiin. Iska daa kuwa aan is diiwaangelin eh kuwo badan oo is diiwaangeliyay ayaan hadii aan sidan wax laga bedelin oon qaranimada iyo qolonimada iyo qoysnimada la kala garan dan iyo muraad ka yeelan doonin walaa diiwaangelin walaa codbixin iyaguna kama maduul aha ee inta wax walba xumaysay ee qaranimadii qoysnimada ka door bidday iyo inta ka ag dhaw dhaw ee u qabaanta qardhacoodana qaadata ayaa ka masuul ah oo ka dilay dadwaynaha dumuuxdii wadaniyadda. Markaa kuwa musanawga kula wareegaya ee sharaxan hadaba caano ka dhan karis xun iyadaa ku wax la’ eh