Somaliland: Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Ka Digay Halista Tahriibka, Baaqna U Diray Guurtida Iyo Xukuumadda Somaliland

0
804

Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay halista Tahriibku leeyahay, isla-markaana Xukuumadda ku dhiirigaliyey in magaalo kasta laga soo qabto dadka ku shaqaysta Tahriibinta dhalinyarada, waxaanu Shir-guddoonka Golaha Guurtida ugu baaqay inuu wufuud wacyigalisa u kala diro magaalooyinka dalka.

Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlay fadhigii Golaha Guurtida ee Shalay ayaa yidhi “Ubadkii dabayl ayaa martay oo way isla il-daran yihiin waalidkii iyo ubadkii, oo Aabihii iyo hooyadii mid dhaafayaa ma jirto, waanay la dagaalamayaan, Booliskuna wuu shaqaynayaa, Inamadana waxaan leeyahay ka jooga naftiina aad hallaagaysaan. Waxaad tihiin kuwii dawladda qaban lahaa amase qabsan lahaa, mana jirto meel Alle abuuray oo inaga wanaagsan haddii ay tahay xataa kuwii boqolaalka sano jiray, oo laguma gaajoonayo dalkeena ee tacabka ha khasaarinina oo duco qaata oo ka jooga badda naftiinana ha hallaagina”.

Xaaji Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay hawlgalka ciidanka boolisku ku soo qabqabtay magafayaasha tahriibiya dhalinyarada “Boolisku si aad ah ayey u shaqaynayaan, halkay ka abaareen ee ay dadka badan ku soo qabteen, waa halka ay tahay in laga abaaro, Waxaan ku talinayaa magaalo walba xafiis ayey ku leeyihiin ee in la abaaro, halka asalku yahay oo la abaaro xafiisyada ay magaalooyinka ku leeyihiin ee ay inamada ka dhoofiyaan, waana in wasaaradda daakhilaga iyo boolisku ay magaalo kasta wargeliyaan”.

Sidoo kalena, X Cabdi-waraabe waxa uu baaq u diray shirguddoonka golaha guurtida “Guurti ahaan waxa la gudboon in shirguddoonku qalqaaliyo wefti harreeraha u baxa oo magaalooyinka soo mara oo wacyigaliya, oo toosiya dadkana barraarujiya”.

Ugu dambayn Xildhibaan X Cabdi-waraabe waxa uu u duceeyey dhalinyarada “Alle ha inoo soo jeediyo inamada, iimaankana ha u sugo, oo illaahay ha inoo xasiliyo”