Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Guddida Abaaraha Somaliland Oo Lacag Kala Wareegay Wasaaradda Waxbarashada+Sawiro

0
640

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ah Gudoomiyaha Guddida Abaaraha ayaa lacag dhan  $50,000 oo doolar  ka Gudoomay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ay ugu deeqday bahda waxbarashadu in wax lagaga qabto abaaraha, taas oo ay iska soo ururiyeen Ardayda Dugsiyada Dawladda waxka bartaa.

Qadarkan lacagta ah ayaa loogu deeqay in wax loogu qabto dadkii ay abaaraha bahsani ku saameeyeen gobolada iyo degmooyinka dalka.

3-14 2-15