Somaliland: Fanaanka Maxamed BK Oo Laga Saaray Kooxda Xiddigaha Geeska Iyo Laab-saalax Oo Ka Waramay Sababta Looga Saaray.

0
728

Guddoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahaan-ba kooxdii ka saaray Fanaankii Caanka ah Maxamed Siciid BK ,Isaga oo ku sababeeyey inuu jabiyay qawaaniintii iyo shuruucdii u taalay Kooxda Xiddigaha Geeska.

Fanaanka Maxamed Siciid BK waa fanaanka kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska wakhtigan bulshada dhagaysataa aad u jeceshahay, iyada oo ay Heesihiisa ay aad u dhageystaan dhalinyaradu wakhtiyadan danbe

“Fanaanka Maxamed Siciid BK waa Saaxibkay, waa walaalkay maanta laga bilaabo waxaan gebi ahaan-ba ka saaray Kooxdii fanaaniinta Xidigaha Geeska ee uu ka midka ahaa, isaga oo ka hor yimi shuruucdii iyo qodobadii u yaalay kooxda. Sidaa daradeed anna waxaan go’aansaday inaan ka saaro kooxda”. Ayuu yidhi Xasan Dhuxul-Laabsaalax

Abwaan Laab-saalax wax faah-faahin dheeraad ah muu sheegin iyo weliba qodobka uu jabiyay fanaan Maxamed Siciid BK.