Somaliland: Samaalle Oo Ka Bilaabaya Maraykanka Olole Uu Ku Taageerayo Muuse Biixi

0
841

Wakiilka Somaliland Iyo Taageereyaasha Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Samaalle Ku Soo Dhaweeyay Washington

war-saxaafadeed ka soo baxay xalay niskii dambe xafiiska xisbiga KULMIYE ee dalka maraykanka, ayaa lagu sheegay in shalay uu Magaaladda Washington soo gaadhay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo la soo weriyay inuu kaga qeyb galayo shir  ay qabsanayaan xisbul xaakimka ee Maraykanka iyo inuu  hordhac u yahay wefti ka socda dawladda oo sannadkan jaaliyadda Maraykanka kala qeyb geli doona munaasibadda 25 guuradda ee 18-ka May.

“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 1-da Bisha May  2016, lagu soo dhoweeyay Cabdicasiis Maxamed Samaalle garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport. Waxa halkaas ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee Waddanka Maraykanka, Rashiid Gaaruf, iyo qaar ka mida odoyaasha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Washington DC. Cabdicasiis Samaale wuxuu ka qeyb gelayaa shir xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Washington bisha May 7-deeda,”ayaa lagu caddeeyay qoraalka ka soo baxay KULMIYE, waxaanu intaas ku daray “Samaalle waxa kale oo uu ka qeyb galayaa shirka Somaliland Conference ee lagu qabanayo Washington DC bisha May 20keeda iyo 21keeda. Kaas oo loogu dabaal degaayo 25-tan guuradii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Shirkaas (www.somalilandconference.com) oo ay ka soo qeyb geli doonaan madax ka socota dawladda Somaliland, xisbiyada qaranka, barlamaanka, gudida doorashooyinka, ururada madaxbanaan, iyo aqoon yahano Maraykan ah.”

“Samaalle wuxuu mahadnaq u soo jeediyay dhammaan taageerayaasha Kulmiye guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Kulmiye ee Washington DC ee sida qiimaha badan ugu soo dhowaysay Madaarka. Waxaanu sheegay inay is xog waraysan doonaan mudada uu joogo.”

Cabdicasiis Maxamed Samaalle waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta garabka isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE ee ka cadhooday shirkii Golaha dhexe KULMIYE qabsaday Bishii November ee la soo dhaafay. Hase yeeshee waxa uu fikirkii uu kaga soo horjeeday siyaasadda Guddoomiyaha KULMIYE uu ka tanaasulay dhawaan markii aabihii magaaladda Allay-baday ka sheegay in wiilkiisa curad uu u hoggaansamay  dalab uu u jeediyay oo la xidhiidhay inuu dhiso isla markaana taageero Murrashaxnimadda Muuse Biixi  Cabdi oo sannadka fooda iinnagu soo haya calanka u qaadi doona xisbul xaakimka doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladda ee  lagu wado inay dalka ka qabsoonto  Bisha March 2017-ka.