Dawladda Somaliland Oo Sheegtay In Hoos U Dhac Ku Yimi Shaqooyinka Ajanibigu Ka Qabtaan Dalka

0
745

Cabdi Daahir Camuud (Cabdi-dheerer)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda shaqada Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimahan

Xukuumadda Somaliland ayaa  shaaca ka qaaday in ay  waddo sharci la doonayo in lagu xadido shaqooyinka ay dalka ka hayaan dadka ajaanibka ahi sis are loogu qaado fursadaha shaqo ee muwaadiniinta u dhalay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasina waxaa sheegay wasiirul dawlaha  wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Daahir Camuud, oo shalay u waramay BBC.

Waxaanu sheegay  in ay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee dalka jooga in ay ka hadleen in ay dadka reer Somaliland shaqooyin siiyaan, isla markaana ay joojiyaan dadka ajaanibka ah ee u shaqeeya. Wasiir Camuud, ayaa ugu horayn waxa uu  hambalyo u diray guud ahaanba shaqaale weynaha Somaliland maalinta shaqaalaha aduunka ee  1-da bisha May awgeed. Waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan dhamaan shaqaale weynaha reer Somaliland  hambalyo u dirro maalinta shaqaalaha aduunka awgeed,  oo ay shaqaalaha caalamka kala mid yihiin. Sida aynu og nahay dalkan Somaliland shaqadu way ku yar tahay, sidaas awgeedna shaqo ay dadkayagu qaban karaan, iyadoo dadka dhalinyaradda ah ee jaamacadaha ka baxay ay joogaan in hay’aduhu ay joojiyaan dadka ajaanibka ah ee ay shaqaalaynayaan.

Taasina waanu ka hawl galnay, hawsheediina waanu ku jirnaa, waxaananu doonaynaa in aanu shaqadda  u fasaxno qofkii dalka ka shaqaysan karra, wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda ayaanay shaqadeedda tahay”.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dal waliba wuxuu leeyahay siyaasad u gaar ah oo ku saabsan shaqaalaysiinta, markaa dadka muwaadiniinta ah ee dalka joogaa shaqadda ay qaban karaan, ma aha in hay’aduhu ay dibadda ka keenaan shaqaale, maxaa yeelay dadka muwaadiniinta ah ayaa shaqo beelaya. Markaa hay’adaha waxaanu leenahay shaqadii ay cid reer Somaliland ahi qaban karto,  ee aan ahayn wixii farsamooyin ah ee  looga maarmi waayo, waa in dadka muwaadiniinta ah la shaqaalaysiiyo”.

“Dadka reer Somaliland ee jaamacadaha ka baxay, shaqo la’aan u garbo-duubnaan maayaan. Maxaa yeelay dhalinyaradu badaha ayay isku tuurayaan, waxyaabo kale ayay ku kacayaan, sida aawadeed ayaanu uga joojinay  hay’adaha in ay shaqaaleeyaan dadka ajaanibka ah” ayuu yidhi Wasiir Cabdi Daahir camuud.

Dhinaca Wasiirul dawluhu  waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan sharci la xidhiidha  joojinta Tahriibka, sharcigaasi oo  dhawaan la hor keeni doono golaha wasiirrada kadibna loo gudbin doono golaha Wakiiladda.waxaanu yidhi ”Sideed  wasaaradood ayaa loo xil saaray in ay ka soo shaqeeyaan sharcigan lagu joojinayo tahriibka,    wasaaradahaasi markii ay fadhi  ka yeesheen  arrintaasi, waxay soo saareen sharci la yidhaahdo sharciga tahriibka, kaasi oo imika dhamaad ah, welina gacanta lagu hayo, isla markaanna golaha Wasiirrada iyo golaha Wakiiladda la gayn doono. Waxaananu filaynaa in uu wax badan ka tari doono tahriibka.”