Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Saluugay Muddo Kordinta Lixda Bilood Ah Ee Xisbiyada Mucaaradku Soo Jeediyeen

0
971

“Muddada Doorashada ILAAHAY baa dib u dhigay, Roobku hadduu Maanta Da’o Dadku Lix bilood iskuguma iman karo..” Xildhibaan Xaaji Cabdi-waraabe

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda Abaareed ee Dalka ka jirta iyo Muddo kordhinta Xisbiyada Mucaaradku doonayaan in loo sameeyo Xukuumadda.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Golaha Guurtida, ayaa sheegay in ILAAHAY doorashada dib u dhigay, maaddaama buu yidhi ay Abaar baahsani dalka ka jirto, sidaa darteed loo baahan yahay in doorashada dib loo dhigo muddo ka badan Lix bilood oo Toddobaadkan Xisbiyada WADDANI iyo UCID soo jeediyeen.

Xaajiga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Muddada (Doorashada) ILAAHAY baa dib u dhigay, Waayo? Abaar la yidhaahdo BAAHA ayaa innagu dhacday, Roobku hadduu Maanta Da’o Dadku Lix bilood iskuguma iman karo, Adhigii Meel, Halihii meel, Xaaskii meel, oo waa la kala lumay.”

Xildhibaan Xaaji Cabdi-Waraabe, wuxuu sheegay in Musharraxa doonaya in Doorashada xilligeeda lagu qabtaa uu yahay Qof aan ka war-haynin Xaaladda Dalku marayo, “Ninka Doorashada ku deg-degayaa waa Nin aan Dalkaba hoos u eegin, waxaan leeyahay halka la dhigayo Doorashada hala hubsado iyo muddada ay noqonayso (Muddo kordhintu) oo ha lagu heshiiyo, Lix bilood la iskuma iman karo ee Muddada ay noqonayso ha lagu heshiiyo” Ayuu yidhi,