Somaliland: Shaqaalaha Dawlada oo La Fasaxay Maalinta Axada

0
1021
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”

Iyada oo ay Berri ku beegan tahay Xuska Dhalashada Nebigeenna Suubban Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee, Isla markaana uu dhigayo sharciga Jamhuuriyadda Somaliland oo ku salaysan Diinteenna xaniifka ah, ayaa waxa lagu war gelinayaa dhamaan shaqaalaha dowladda Somaliland in Maalinta berri ah ay fasax yihiin Munaasibaddaas awgeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Mudane Sharmaarke Geelle ayaa hadda ku dhawaaqay in Shaqaalaha dowladdu ay fasax ahaan doonaan maalinta berrito ah shaqadana lagu soo noqon doono maalinta Isniinta haddii Rabbi idmo.

Dhalashada Nebigeenni Suubbanaa (SCW) Waa mid ku suntan taariikhda ummadda Muslimka ah isla markaana innaga mudan in la wayneeyo oo la xuso.

Hambalyo dhammaan Shaqale-weynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan.