Qaramada Midoobay Iyo Dawladda Maraykanka Oo Ka Hadlay Weriye Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
844

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo baadho Dil Magaalada Muqdisho Doraad loogu geystay Alle ha u naxariistee Weriye Cabdicasiis Maxamed Cali oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geystay Weriye Cabdicasiis oo Salaasadii la soo dhaafay koox aan la aqoonsan ku dileen degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Weriyaha.  “Dadkii falka geystay lama aqoonsan. UNSOM waxay ugu baaqeysaa Hay’adaha dawliga ah inay ku dedaalaan sidii Dadkii dalkan foosha xun geystay loo hor keeno caddaalada.” ayuu ku yidhi Michael Keating bayaan uu ka soo saaray Magaalada Muqdisho Khamiista Maanta.

Dhanka kale, Dawladda Maraykanka ayaa Cambaareysay Dilkan Weriye Cabdicasiis, “Dawladda Mareykanku aad bay u cambaareyneysaa dilkii qorsheysnaa ee 27ka September gudaha Muqdisho loogu geystay Weriye Cabdicasiis Maxamed Cali” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Dawladda Maraykanka.

Maraykanku wuxuu Tacsi u diray Qoyskii  uu ka baxay Alle ha u naxariistee Weriye Cabdicasiis, waxayna Dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in si degdeg ah loo baadho Dilka Marxuumka.

Bishii 6aad ee sanadkaan waxaa sidaas oo kale loo dilay Sagal Salaad Cismaan oo ahayd gabadh Weriye ah oo ka tirsanayd Radio Muqdisho.

UNSOM ayaa sheegtay in Soomaaliya lagu dilay 31 Suxufi laga soo bilaabo Bishii August 2012, kuwaasi oo 14 ka mid ahi u shaqeynayeen Idaacadda Shabeelle.