Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Caaqil Cabdi Xaji Diiriye

0
804
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdi Xaaji Diiriye (Gaadaali) oo Shil baabuur ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 07/01/2016, kaas oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan Degmada Abdaal.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ku lahaa dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna tilmaana shaqsiyad wanaagsan oo dadku ku hirtaan, sidoo kalena ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee Gobolka Togdheer.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.