Dawladda Somaliland Oo Soo Dhaweysay Xubinimada Itoobiya Ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay.

0
1200

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bogaadisay, isla markaana soo dhoweysay bilowga xubinnimada Itoobiya ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay labada sannadood ee soo socda, iyagoo bedelay dalka Angola, 2 January, 2017.

Ku-simaha Xafiiska Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad oo farriin kooban ku baahiyey bogiisa Facebook, ayaa ku sheegay isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland ku hambalyeynayo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya xubinnimadooda uga bilaabmatay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay, waxaanu yidhi, “Anigoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan jecelahay inaan u hambalyeeyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya oo si rasmi ah u bilowday xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka laba sannadood ee soo socda.”

Danjire Ayaanle Salaad ayaa hadalkiisa raaciyey, “Guusha weyn ee xubinimada golaha ammaanku, keliya uma soo hoyan dalka Itoobiya, balse waa mid wadammada Gobalku la wadaagaan.”

Bilowga xubinnimada aan joogtada ahayn Golaha Amaanka ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale, ku soo beegmatay kulankii ugu horeeyey ee Xoghayaha Guud ee dhowaan loo doortay QM Mr. Antonio Guterres ugu bilaabay shaqadiisa xoghayihii 9-aad ee QM, taasoo ku soo jeediyey baaq in nabadgelyada xooga la saaro sannadka 2017.

“Xubinnimada ayaa muujinaysa in Itoobiya noqotay awood ka soo muuqanaysa ammaanka iyo xasiloonida qaarada Afrika,” maadama tahay wadanka ugu horeeya ee ciidamada nabad-ilaalinta ugu badan u diray qaarada Afrika, safka horena kaga jira dedaalada nabadda gobolka, sida dalalka Soomaaliya, Koonfurta Sudan iyo goobaha kale. Dalka Itoobiya oo hore kaalin muuqata uga soo qaatay arrimaha siyaasadaha caalamka, ayaa la saadaalinayaa inay sii xoojiyaan kaalintooda muddada laba sannadood fooda innagu soo haya.

Qoraal lagu baahiyey shalay mareegta wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya iyo waddamada kale ku soo biiray Golaha Amaanku kaalin muuqata ka qaadan doonaan ka jawaabista baaqa Xoghayaha QM ee nabadgelyada, si muuqatana ku taageeri doonaan qaraar kastoo lagu deminayo xaaladaha qalalaasaha.

Qoraalka mareegta ayaa la raaciyey, “Waxa xusuus mudan in Fadhiga guud ee QM u codeeyaan shan waddan oo ka mid noqon doona waddamada aan xubinnimada joogtada ku lahayn Golaha Amaanka. Dalka Itoobiya waxa u codeeyey 185 wadan, fadhigaa oo xaadir ahaayeen 190 wadan, waxaana sidoo kale loo codeeyey wadamadda Bolivia, Sweden iyo Kazakhstan, halka dalalka Talyaaniga iyo Netherlands kala qeybsadeen kursiga shanaad. “

Doorashada ayaa muujinaysa aqoonsiga iyo qiritaanka kaalinta Itoobiya kaga jirto taageerida iyo ilaalinta nabada iyo xasiloonida caalamka. Ka qeybqaadshada Itoobiya iyo waaya-aragnimadeeda nabad-ilaalinta Qaarada Afrika ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaadatay u codeynteeda.

Dalka Itoobiya ayaa leh guuto ciidamada nabad-ilaalinta QM ugu badan oo gaadhaya 8,321 ka kooban rag iyo dumar, waxaanay ka mid ahayd wadamaddii aasaasay iyo dalka martigeliyey xarunta Midowga Afrika.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Itoobiya dariiq walba u mari doonto siday kaalin muuqata oo horumar leh uga qaadan lahayd hawlaha golaha, isla markaana si dhow iskaashi iyo wada shaqeyn ula yeelan doonto wadamadda xubnaha ka ah.

Madaxtinimada Golaha Amaanka oo bishan wadanka Swedan hayo, isla markaana bil walba wadamada xubnaha ka ah mid qabto ayaa la filayaa in dalka Itoobiya xilkeeda qabto bisha sagaalaad ee sannadkan Septembar, maadama kala horeyntoodu ku xidhan tahay sida xuruufta magacyadoodu u kala horeeyaan.