War Deg Dega:- Rabshado Ka Dhacay Magaalada Tog-wajaale Sababay Dhimasho Iyo Dhaawacba

0
1225

Hal Qof Ayaa Ku Dhintay Laba Kalana Waa Ay Ku Dhaawac Meen Iska Hor Imaad Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Gudaha Suuqa Degmada Togwajaale.

Waxaana Iska Horimaadkan Sababay Kadib Markii Ciidamada Booliska Ee Degmada Togwajaale Ay Isku Dayeen Inay Dad Shacaba Oo Suuqa Ka Shaqeysta Ay Qasab Kaga Kiciyaan  goobihii ay ku shaqeysanayeen .

Dadkan Shacabka Ah Ee Goobta Sida Qasabka Ah Looga Kicinayay Ayaa Ahaa Nimanka Tumaasha Looyaqaano Ee Ku Shaqeysta Farsamada Gacanta.

Iska Hor Imaadkan Ka Dhacay Gudaha Suuqa Magaalada Togwajaale Oo Hoos Timaada Gobolka Gabiley Ayaa La Sheegay Inay Ciidanka Booliska Ee Degmada Togwajaale U Adeegsadeen Rasaas Noo Nool.

Wixii Warara Ee Danbe Ka Soo Cusboonadana Waxaanu Idiinku Soo Gudbin Doona Wararkayaga Danbe.