Cali Guray Muxu Ka Yidhi Waddani” Walee Laba Go,low Anigu Kama Guro Sheekho “

0
1372

Cali Guray Oo maqaal yaro kooban so dhigay barta oo ku layhay facebook kaga hadalay aragtiddsa xisbiga waddani waxanu yidhi sida tan

WALEE LABA GO’LOW ANIGU KAAMA GURO SHEEKO
WADDANI halistii ugu waynayd ee abid soo marta ayuu gelayaa bilahan soo socda cidda gelinaysana waa la garan karaa oo waa koox aan wada qaadashada mooyee aqoonin wada lahaanshaha. Kulmiye sabaaxaddii ay la heleen ayay la maagan yihiin WADDANIna. Weligoodba iyagu xisbi ma samaystaan Madaxwayne adagna ma jecla hadii ay
ku guulaystaan Alaylahe rag rag ah. Anigu weligay
ma ogolaanayo koox iyagu wax gaar ah iyagu isku
ogi in ay aniga igu guurto. Oo maan Kulmiye ku jiro waxan uga tegayba saw ma ahayn “IN GAAR AH,
OO MEEL GAAR, AH GOOR GAAR, WAX GAAR,SI GAAR AH” wax isugu yidhaa.
Bahwaynta WADDANI waxan kula talin lahaa il gaar ah ku eega oo ayaanay idinka libdhin mar keliya hadii ay miyirka kaban waayaan oo ay diidaan inay kuligoodba wada hoos yimaadaan Gudoomiyaha Xisbiga. Cid ka darayn karta Gudoomiyaha Xisbiga hadii ogolaataan oo jabkiina ee hadaba iga qora.

HARGAYSAWI NAASIX