Nin Ku Nool Baadiyaha Gobolka Gabiley Oo Khaatiyaan Ka Jooga Waraabayaal Dhawr Jeer Halis Galiyay Naftiisa+Waxa Uu Waraabayaasha Ku Sameeyey Ninku

0
1817

Nin ku nool baadiyaha gobolka gabiley ayaa la sheegay in uu khaati kaa tagan yahay xayawaanka waraabaha,waxaana naloo sheegay in waarabuhu uu dhawr jeer soo weeraray isla markaana khatar galiyay naftiisa.

Ninkan ayaa waxa haya sida naloo sheegay xanuunka macaanka,waxaana dad u sheegeen in hadii uu cuno waslad kamida hilibka waraabaha uu ku dawoobayo,balse markii uu cunay hilibkaasi ayaa waxa meel kaste oo uu joogaba soo raad raaca waraabaha isaga oona halis galiya naftiisa.

Ninkan oo ah nin xoolo dhaqato ah ayaa waxa la sheegay in waraabuhu uu ka uriyo hilibka waraabihii uu cunay,waxaana ay arintani sababtay in ninkan kasoo hayaamo deegaanadii uu ku noolaa isla markaana yimaado deegaano kale oo u dhaw magaalada gabiley isaga oo miciin bidaya amaan.

Ninkan oo waraysi lala yeeshay ayaa sheegay in arinkani ay cabsi badan ku abuurtay isla markaana uu arinkani ku yahay mid fajac galisay,sidoo kalena waxa uu ninkan xoolo dhaqatada ahi xusay inuu u guuri doono magaalooyinka kale hadii uu mar danbe soo weeraro waraabuhu.

Waraabahan soo weeraray ninka ayaa la sheegay inuu tiroba dhawr jeer ka cunay xoolihiisa isaga oo naftiisana dhawr jeer khatar galiyay.

Arinkan ayaa ah mid fajac galisay bulshadii u dhawayd ninka markii ay maqleen dhacdadani ku dhacday ninka xoolo dhaqatada ah ee uu soo weeraray waraabuhu kadib markii uu ka uriyay hilibka waraabihii uu cunay ee uu ka dayay dawada.