Somaliland: Reer Hargeysa Oo Caleemo Qoyan Kala Hortagey Weftigii Wasiir Baashe Cali Jaamac Oo Soo Dhamaystay Safarkiisii Bariga

0
706

“Guusha Maanta Bariga Somaliland Gaadhay Waa Raga Hormuudka Ka Ahaa Soo Dhaweyn Iyo Mahadnaq Intabada Waa Mudanyahay”

Wasiirka wasaarada khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo wafti uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Xildhibaan Hanad xaashi oo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka caasimada hargaysa, ayaa si lagu soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay ka soo laabteen gobolka sool oo ay muddo ku sugnaayeen.

Weftigan wasiirka biyaha oo galabta soo gaadhay Hargeysa, ayaa waxa si  weyn loogu soo dhaweeyay duleedka deegaanka haleeya oo 10 km ka xigta dhanka bari magaalada hargaysa waxaana waftiga halkaasi kaga hortagay xubno ay ka mid ahaayeen xildhibaanada golaha deegaanka, agaasimayaal shaqaalaha wasaarada iyo qaar ka mida shacbiga ku dhaqan caasimada hargaysa

Xildhibaan xasan cali cabdi xasan shahar oo ka hadlay halkaasi isla mar ahaantana soo dhaweeyay wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay doorka uu ku laha hirgalinta diiwangalinta ka qabsoontay deegaanada gobalka sool

“waxaanu kaaga mahad celinaynaa waftia balaadhan ee aad hogaaminayso iyo adigaba hawshii dheered ee aad ku jirtay ee gobalada bariga sool iyo sanaag bari aad kaga jirtay ee nabadaynta ee aad mudda dheer ku maqnayd iyo diiwangalintii gobalka sool iyo hawshii aan kala go’a lahayn run ahaanti sharaf weyn ayay ummada Somaliland kuugu haysaa magac iyo qiimay kuugu haysaa dadkii xogogaalka kuu ahaa ee kuu imid ayaan ka mid ahaa waxaanad qaranka u soo hoysay guul weyn dadkaaga iyo dalkaagaba waxaad ka dhalisay nabad aad iyo aad ayaanan kaaga mahad celinaynaa soo dhawoow”Ayuu yidhi

Ibraahim Axmed Raabi Maareeyaha Hay’ada  abaabul ka saarka xukumada madaxweyne siilaanyo oo ka mid ahaa dadka goobtaasi ku soo dhaweeyay wasiirka ayaa waxaa uu wasiirka uga mahadnaqay doorka uu ku lahaa heshiisyada iyo gogashii is fahamka ee xukumada iyo dadka ku dhaqan deegaanada gobalka sool

“guusha maanta bariga Somaliland gaadhay waa raga hormuudka ka ahaa soo dhaweyn iyo mahadnaq intabada waa mudanyahay aad iyo ad ayaan ugu faraxsanahay shaqada iyo guulahii aad bilahanoo dhan ku maqnaydeen guusha ay bariga Somaliland ka gaadhay Somaliland waa raga hormuudka ka ah mudane baashe, maanta (shalay) oo ay ka soo gabagabootay diiwangalintu gobalka sool waa ragii guushaas ka soo shaqeeyay aadbanad ugu amaanantahay adiga iyo ragii kale dhigaaga ahaaba ee shaqadaa muhiimka ah soo qabtay”ayuu yidhi

Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo gabagabadii halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa uga mahadnaqay masuuliyiinta iyo shacbiga ku dhaqan caasimada ee soo dhaweeyay waxaana uu sheegay in arimaha iyo shaqooyinka ay ku maqnaayeen ay ahayd mid iyaga ku waajiba isla markaasina saran masuul kasta oo xil ka haya Somaliland

“aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa soo dhaweyntiina hawshaa aanu soo qabanayna waa mid nagu waajib ahayd waa xil na saran hawshaasna waxaa gacan wayn ku lahaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmuud siilanyo oo la’aanti noomay suurto gasheen inaanu waxaas oo dhan qabanaa,waxaan aad iyo aad u hanbalyeeynayaa dadka reer sool ee aan anigu ka soo jeedo oo iyada oo ay ku cusbayd diiwangalintu intii itaaalkooda ahayd ama u suurto galaysay ka qeyb qaatay iyada oo laysku dayay in la carqaladeeyo diiwanalinta waxaan uga mahadnaqayaa inay cod fiican keenen si fiicana uga qeyb qaateen taaso aanay cidna ugu danayneyn balse ay tahay xaqoodi, xaqay wadanka ku lahaayen caqabad kasta oo kaga hortimidna jiidhay oo kaa qeyb galay si nabadgalyo ah ayayna laascaanood uga dhacday dadkayagu Somaliland way u baahnayeen Somaliland way u baahneyd”ayuu yidhi