Somaliland: Oo Go’aammo Adag Kasoo Saartay Xal U Helidda Shaqaaqadii Beelaha Walaalaha Ah Ku Dhex Martay Ceel-Afweyn

0
157

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaciyey inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gacan adag wax kaga qaban doonto sharciga la tiigsan doonto cid kasta oo ka hortimaada in nabad waarta laga xaqiijiyo deegaanka CeelAfweyn ee gobolka Sanaag. Wasiirka madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumaddu go’aamo ka soo saartay muran ka taagnaa deegaanka, dhul daaqisimeedka iyo biyaha Duud caraale ee gobolka Sanaag, waxanu xusay inay go’aamadaasi ay XUkuumadu mel marin doonto. Wasiirka ayaa sidoo kalen dadweynaha Deegaanak Ceelafweyn ugu baaqay inay xukuumadda ku gacansiiyaan xaqiijinta Nabada iyo wadanoolaasha dadka walaaha ah, mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay Khubad uu maanta ka jeediyey madal ka dhacday Ceelafweyne oo laga dhawaaqay go’aamadaasi waxaanu yidhi “ Nasiib darro weyn weeye inay had iyo jeer soo noqnoqdaan isku dhacyo iyo shaqaaqooyin keena dhimasho iyo dhaawac farabadan ILAHAY (SWT) ma banayn falalka noocaas ah, nidaamka dawladnimaduna ma ogola, xuquuqda aadamahana waa ku xad gudub, dunidu horumar ayey hiigsanaysaa, bulshaduna waxay u kala horeeyaan sida ay u kala nabad badan yihiin ee u kala aqoon badan yihiin, deegaanada Somaliland-na waxa ay u kala horumarsan yihiin sida ay u kala nabad badan yihiin, aqoontooda iyo aragtidooduna u kala sarayso. “ Halkan dhibaatooyin ayaa ka dhacay, ILAHAY ayaa qadaray, ILAHAY lama canaanto, waxa xuna waxa loo nisbeeyaa shaydaanka wixii wanaagsan ILAHAY. wixii halkan ka dhacay waxa kasbaday inaga, si gaar ah waxa dhaliisheeda u leh dadkii farahooda ku sameeyey, way dhici kartaa in dawlada lagu canaanto, waayo dawladu amaanka ayey ka masuul tahay, nabada umaddu iyadaa ka masuul ah, waxa dawlahdaha loo samaystaa inay nabada ilaaliyaan horumarna keenaan, wixii aanu dhaliil leenahayna waanu qaadanaynaa, wixii canaan ahna waanu qaadanaynaa.”. Wasiir ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ halkan dhibaataa hore ugu dhacday dhimasho iyo dhaawac keentay, mar labaadna way dhacday, waxa weeye dadkaa dhintay ee waxa aan munaasibka ahayn ku dhintay dhamaantood ILAHAY ha u naxariisto, kuwa dhaawaca ahna ILAHAY ha shaafiyo. caawa kuwaasi tallo uma baahna waxa tallo u baahan kuwa nool, hadaynu dhamaanteed isu tagno ma noolayn karno kuwaa, hadaynu ka murugoono, iyo hadaynu ka muusanowno, iyo hadaynu colaad iyo hiirtaanyo abuurno qof qof soo noolayn karaa ma jiro, sunaha noloshana kuma jirto. dadkaa dhintay lama soo noolayn karro, markaa sabab ay dhimasho iyo dagaal u sii socdaa ma jirto, waxa lumi doona nafo badan oo halkan fadhiya haday colaadu sii socoto, waa lagu cadaab mudanayaa, garab iyo gaashaan, xigaal, xigto iyo xidid badana waa lagu waayi doonaa, iyadoo la daalay ayaa maalinta dambe gacmaha layska dhunkanayaa, khasaaruhuna batay, oo ah maalintaan taagta hayeyna tallo ma hayn, maalintaan talada hayeyna taag ma hayn, kibirku dhaqankeena wuu ka buuxaa dabadeedna farta dhexda laga qaniinaa, sax maaha kolaa.” . Mudane Maxamuud Xaashia yaa sheegay inay u caqli celinayaa dadka dirirtu dhex martay waxaanu yidhi “ waxaanu u caqli celinaynaa dadkaa walaalaha ah ee isku nool ka ah ee naanaysaha gaar ka ah la baxay ee xulufonimadooda iyo walaalnimadoodu gayeysiisay inay magac gaar ah la baxaan, oo Nugaal ka caan ah, waxaanu leenahay sidiinii hore ku noolaada, wixii nabada ka hor imaada is dili maayaan iyaku ee dawlada ayey is diliyaan,  markaa labada waxa la qaatay in umadda hay’ada u dhaxaysa inay isku dhacaan, wixii nabada diida ciidamada Amniga iyo dawlada ayey is dilayaan.”. “ dawladu dadka waa u dex qolana dhinaca ma saarto, dadka deegaanka iyo deegaamada kale oo dhan kibrad ayey xukuumadda Somaliland u leedahay shan iyo laatankaa sano sida wax loo nabadeeyo, waana waxa aynu ku dhaano walaaladeena baydkooda iyo baradoodii gubanayso, waxa weeye dadka waanu isugu faalinaynaa, ee u kala faalin mayno. dadka nabadooda ayaanu adkaynaynaa, gacan adag ayaanu ku kaxaynaynaa arrimaha nabadgalyada, arrimaha siyaasada waanu mukhaynaa gacanta ayaanu u badalinaa, dabadeedna waxa dadka qaarkood moodaan in dawladu ay jilicsan tahay. dawladu waa inay laba is barbar wadaa gacan caqli ah waayo dadka caqli ayaa lagu kaxeeyaa, cudud kaliya hadii aad damacdo inaad wax ku xalisana sax maaha, caqli kaliya hadaad damacdo inaad wax ku xaliso oo cudud la waaya sax maaha, labadaas gacmood ayaanu wax ku xalinaynaa, mid waliba markay munaasibad tahay ayaanu adeegsanaynaa.”

Wasiirka madaxtooyada ayaa sidoo kalena xusay inay Xukuumadu sharciga la tiigsan doonto cid kasta oo ka hortimaada Nabada waxanu yidhi “ halkan maanta nabad ayeynu ku go’aaminay, nabadaasi inay meel marto ayaanu doonaynaa, cida meel marinaysa ee kormeeraysaa waa Xukuumadda Somaliland, cidkasta oo nabada ka hortimaada, falal ka dhana la timaada, sharciga ayaa loo adeegsanayaa, qof sharciga ka weyni ma jirro, qof gacanta ku qaadan karaana ma jiro, saaka dad badan oo deegaankan jooga ayaa ka hor imid nabadii oo qaar  xilal qaranka ka hayaa ka mid yihiin, oo qaar cuqaal yihiin,  waa xidhan yihiin, hadaan talaabadaa la qaadin nabadi suuroobi mayso, kuwa baxsadayna waanu xidhaynaa, dadkaa aanu xidhnay ma sii daynayno ilaa aanu nabad, wacad iyo dhaar ka qaadno, haduu yidhaa waan soo noqonayaa oo nabadda ayaan qaadanaynaa damaanad-na waa laga qorayaa wacadna waa laga qaadayaa, Nabadu qadhaad ayey leedahay, xanuuna way leedahay.”

JAMHUURIYADA SOOMAALILAND

GO,AANKA DAWLADA JSL

GO,AANKA DAWLADA JSL KA SOO SAARTAY DHUL-DAAQSIMEEDKA, DEEGAANKA IYO BIYAHA DUUD CARAALE IYO GUUD AHAANBA DHULKA BULSHADU WADA DEGTO EE DEEGAANADA CEELAFWAYN

21.09.2016

CeelAfwayn, SANAAG

HORDHAC

Ka dib shaqaaqadii ka dhacday deegaanka kor ku sheegan oo keenay dhimasho iyo dhaawac ay sabab u tahay khilaafka dhulka, daaqa iyo deegaamayntu, ayaa dawlada JSL ka soo saartay go,aamada hoos ku xusan si ay deegaankaas uga hirgasho nabad waarta, wada noolaansho iyo baad iyo biyo wadaag loo siman yahay.

UJEEDOOYINKA GO,AANKAN;

  1. In la sugo lana helo nabad waarta oo dhexmarta beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaamada Ceel Afwayn,taas oo ku salaysan is aamin iyo wadaaga  baadka iyo Biyaha
  2. GO,AAMADA  XUKUUMADU WAA SIDAN HOOS KU CAD;

1.1  NABADGELYADA

B-     Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.

 

T-     Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan .

J-      Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.

X-     Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.

Kh- Ciidamada ilaalinta nabadgelyadu waxay  awood sharci oo buuxda u leeyihin  in ay ka hortagaan  isla markaana ka qaadaan talaabada sharci ee  ku haboon cidkasta oo samaysa falal ka dhan ah nabadgelyada

KH- Waxa la farayaa waxgaradka,odayaasha iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha (Cuqaasha) in ay kala diraan ciidan beeleedyada hubaysan 24 saacadood gudahood oo ka bilaabanta maaanta oo taariikhdu tahay 21/09/2016.

C-     Ciidanka qaranka waxa la farayaa in ay dabagal iyo hubin ku sameeyaan dhaqangelinta iyo fulinta go,aanka kala dirista  ciidan beeleedyada.

D-     Shakhsiyaadka ama kooxda ka hortimaada kala dirista ciidan beeleedyadaas, fulin wayda qodobada go,aanka iyo awaamiirta ciidanka qaranka waxa loo aqoonsanayaa dambiile/dambiilayaal waxaana laga qaadayaa talaabo kasta oo ku haboon iyadoo la horgayn doono hayadaha sharciga.

1.2  DAAQA

B-     Iyadoo la tixraacayo degreetada madaxwaynaha JSL,  dhulka daaqa iyo deegaanka xoolaha lagu dhaqaa waa hanti qaran  oo ay masuul ka tahay dawladu sidaas awgeed, lama kala laha, lamana kala sheegan karo,dhulkuna manaafacaadsigiisa waa loo siman yahay

T-      Cidii ay ku cadaato inay cid kale ka sheegato dhul daaqsimeedka, waxa ciidanka iyo hayadaha amnigu u xilsaaran yihiin inay talaabo sharci oo ku haboon ka qaadaan.

1.3  DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA

B-  Gebi ahaanba  waxa la joojiyo deegaamaynta dhul daaqsimeedka dadka ka dhexeeya oo had iyo jeer sabab u noqda khilaafka bulshada deegaanka iyo colaadaha sokeeyo.

T-     Lama deegaamayn karo guud ahaan dhulka xooluhu daaqaan ee aan loo haysan ogolaansho dawladeed oo sharci ah.

J-      Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 21/09/16 waxa reeban in deegaamada dhul daaqsimeedka laga yagleelo magaalooyin, xidhmooyin, tuulooyin, ceshiimooyin, Baraago, IWM.

X-     Maamulada gobolka Sanaag,Sool iyo maamulada degmooyinka Ceel-Afwayn, Garadag, Dararwayne, Awr Boogays iyo Xudun awood sharci uma laha ogalaashaha iyo bixinta degsiimooyin cusub oo laga yagleelayo dhul daaqsimeedka ilaa iyo inta sharci qeexayaa ka soo baxayo.

1.3.1        Deegaamaynta Bacaha:

Dawladu Iyado Ka Duulaysa:

  • Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta goobtaas
  • Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
  • Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen goobtaas

Dawlada JSL waxay go,aamisay ;

B-     In deegaanka Bacahu uu yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.

T-     In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo, lana aaso dhamaan waxii dhisme ka jira  deegaanka bacaha sida; godadka bacaha la geliyo ee biyaha, waabab,Buulal, xidhmooyin, IWM

J-    Waxa reeban in goobtaas laga sameeyo wax berkado ah.

1.3.2        Deegaamaynta Isku-Kufka:

Dawladu iyadoo ka duulaysa:

  • Iyadoo laga hortagayo in aan deegaamada dhul daaqsimeedka laga samayn yagleel cusub.
  • Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
  • Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen

Dawlada JSL waxay go,aamisay;

B-  In deegaanka isku-Kufka yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.

T-  In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo  dhismayaasha ka jira deegaanka Isku-Kufka

J-   In aan laga samayn Karin berked biyood nooc kasta oo ay tahay marka laga reebo berkada kaliya ee imika ka jirta Isku-Kufka, taas oo hore loo ogolaaday.

1.3.3        Dhismayaasha Ceelka Dogoble:

Nabadu waa aasaaska wada noolaanshaha bulsho kasta . Dawlada JSL iyadoo;

  • Ka duulaysa Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta ceelka Dogoble
  • Ka duulaysa nabadaynta iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wadaaga baadka iyo biyaha deegaanka ceelka dogoble.
  • Ka duulaysa texgelinta iyo dhaqangelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dararwayne 1993kii oo qeexayay in aan la deegaamayn Karin ceelasha Duud-caraale

Dawlada JSL waxay go,aamisay ;

B-     In ugu danbayn 10 bisha tobnaad (10/10/2016) lagu baabiiyo dhamaan dhismayaasha ceelka Dogoble.

T-     Waxa Reeban in dhismayaal iyo degsiimo laga sameeyo Ceelasha Duud Caraale go,aankan ka dib.

J-      In dawladu bixiso magdhowga dhismayaasha rasmiga ah ee ka kooban daaraha, sandaqadaha iyo kuwa dhagaxa ah .

X-     Qiimaynta hantidaas waxa Dawladu u saaraysaa Guddi farsamo oo madax banan oo aqoon u leh qiimaynta hantidaas.

KH- Marka ay soo baxdo qiimaynta hantidaasi, waxay Xukuumadu ku bixinaysaa magdhowga  lacagta ah ee dhismayaashaas 30 cisho gudahood.

  1. BIYAHA

B-     Biyaha dabiiciga ah ee ceelasha iyo dooxooyinka lama kala laha, gaarna looma kala sheegan karo, si siman ayaana loo wada cabayaa dad iyo duunyo.

T-  Ceelka Dogoble waxa masuul ka ah wasaarada biyaha oo keenaysa mishiino iyo shaqaale   dhex u ah bulshada deegaankaas. Inta la keenayo mishiinka wasaarada waxa lagu cabayaa habka wadaanta ama mishiin ay ciidanka qaranku maamulaan. Waxaana ka reeban in lagu isticmaalo mishiin gaar loo leeyahay.

J-Wasaarada biyihu wxay ka dhisaysaa ceelasha dushooda taangi biyood sida ugu dhakhso badan.

X-     Maadaama Ceelka Dogoble iyo ceelasha kale ee Duud Caraalle ku filan yihiin waraabka xoolaha, waxa la mamnuucay dib u qodista ceelka Dhuxulaalay gebi ahaantiis.

Kh- Hadiiba ay timaado baahi loo qabo qodista ceelka Dhuxulaalay oo ay  bulshada deegaanku isku raacsan tahay waxa awooda bixinta iska leh dawlada dhexe ee JSL oo kaliya.

C-     Waxa gebi ahaanba mamnuuc ah in degsiimooyin laga  yagleelo ceelasha Duud caraale ee xoolaha laga waraabiyo dushooda.

  1. DHIMASHO IYO DHAAWAC

B-     Dhamaan dadkii ku geeriyooday 2dii dhacdo ee kala dambeeyay oo ah 13 qof ( Saddex iyo Toban) waxa ka waajibtay mag.

T-     Qadarka  iyo qiimaha magta dadka dhintay waxa lagu kala qaadanayaa qofki 130 Halaad( Boqol iyo sodon Halaad)

J-   Jifada magahaas waxa lagu kala qaadanayaa 40 Halaad oodhogor ah waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 30 cisho oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016.

X-  Magwaynta kale waxa lagu kala qaadanayaa qiime dhan $400 ( Afar boqol oo dollar Hashii), waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 90 cisho kalliya oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016

KH- Waxii dhaawac dhexyaala beelaha walaalaha ah waxa lagu xalinayaa oo loo marayaa habka shareecada Islaamka, waxaana loo saarayaa Guddi culimo ah oo khibrad u leh muddo 90 Cishogudahood ah.

Kh- Magahaas hadii mudadaas kor ku sheegan lagu bixin waayo, Xukuumada awood u isticmaalaysa si ay ugu bargoyso.

  1. FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA

B-       Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah  qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000  oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.

T-     Dhamaan qodobada heshiiskan waxa fulintooda ka masuul ah dawlada JSL oo ay wakiil uga yihiin Ciidanka Nabadgelyada iyo wakiilada heer gobol iyo degmo oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ee deegaanka( cuqaal iyo Salaadiin).

  1. WAQTIGA DHAQANGALKA GO,AANKAN

B-     Go,aankani waxuu si rasmiya dhaqan gal u yahay marka la soo saaro nuqul ay ku saxeexan yihiin  wasiirada xukuumada ee  uu Madaxwaynaha JSL u soo igmaday arinta khilaafka Duud Caraale iyo deegaanka Ceel-Afwayn.

T-     Laga bilaabo taariikhda go,aankani  soo baxo waa dhaqan gal qodobadiisu, xogta nuxur ee u xambaarsan yahay iyo guud ahaan fulinta awaamiirta uu tilmaamayo.

  1. SAXEEXA GO,AANKAN

Go,aamada waxa soo saaray oo saxeexay xubnaha wasiirada hoos ku qoran oo madaxwaynaha JSL u igmaday xalinta arinta;

  1. Yaasiin Maxamuud xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha gudaha      ——————————
  2. Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada ——————————-
  3. Cusmaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani) Wasiirka Warfaafinta —————————–
  4. Cali Saciid Raygal Wasiirka Dibu-dejinta iyo Dibu dhiska                 ——————————
  5. Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka —————————
  6. Cabdirashiid Maxamuud Cali W. Dawlaha Xanaanada xoolaha           —————————
  7. Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga —————————-

 

Comments

comments