Somaliland: Dhaq Dhaqaaqyo La Doonayo In Gacmaha La Iskugu Saaro Faysal Iyo Jamaal Oo Socda Ka Hor Go’aanka Maxkamadda Iyo Doorka Madaxtooyada

0
751

Jamaal Oo Siyaasad Cusub Ku Wajahaya Xaaladda Siyaasadeed Ee Xisbiga UCID

Kadib Dhagaysigii Maxkamada Sare ee Dacwada u dhexaysa Musharaxa Madaxweyne Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,waxa durba suuqaday siyaasada soo galay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo iskood isku xilqaamay oo la iskugu dayayo in lagu dhamaystiro Isaseega yar ee u dhexeeya labada masuul ee ugu sareeya Xisiga UCID,si Xisbigu u qabsado hawlihiisa siyaasiga ah, iyadoo dhinaca kalena la filayo inay Maxkamada Sare culayska saarto Heshiiskii ay wada galeen Jamaal Iyo Faysal,kaasi oo ay isla ogolyihiin Labadooduba oo aan waxba la isku seeganayn.

Illo-Wareedyo madax Banaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay in Odayaal iyo Waxgarad reer Hargeysa ah oo iskood isku xilqaamay ay bilaabeen inay gacmaha isku saaraan Aqoonyahan Jamaal iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,islamarkaana ay meesha ka saaraan Ficiltanka yar ee u dhexeeya,kadib markii ay si fiican u fahmeen inaanay labadan masuul waxba isku diidanayn,islamarkaana uu Faysal Dhagaysigii Maxkamada sare dhexdeeda uu ka qirtay inaanu diidanayn Heshiiskii uu la galay Jamaal Cali Xuseen ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID. Sida warkan aanu ku helnay, waxa ay odayaashani kulamo ku yeesheen Huteelo kuyaala Magaalada Hargeysa labadii Habeen ee udambeeyay,waxaanay si gooni gooni ah Xidhiidho ula sameeyeen garabyada Xisbiga UCID,Iyagoo tusiyay inay danaynaynaa in Khilaafka Xisbiga UCID soo afmeermo islamarkaana uu Xisbigu hawlihiisa Siyaasiga ah u qabsado.

Warar kale ayaa sheegaya in Dhinaca Madaxtooyadda lafteedu wado in Xisbiga UCID Deganaanshiyo lagu soo dabaalo, lana dhameeyo Khilaafka ka dhex aloosan Masuuliyiinta Xisbigaasi, iyadoo la tixgalinayo Heshiiskii ay Wada galeen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Eng Faysal Cali Waraabe,islamarkaana Maxkamadu tixgaliso Go’aankii ay ka soo saareen Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Somaliland khilaafka Xisbiga UCID,kaasi oo horyaala Maxkamada. Warar Hoose oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen xidhiidho diblomaasiyadeed la sameeyay dhinacyo badan oo reer Somaliland ah,sida Madaxtooyadda iyo Ururo kale si Xisbinimada UCID loo badbaadiyo. Waxa Maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay Sawiro lagu baahiyay Baraha ay Bulshadu ku xidhiidho oo uu Jamaal Cali Xuseen la Sawiran yahay M/ Siilaanyo iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda,kuwaasi oo muujiyay Xidhiidho Hoose oo dhex maray Jamaal iyo Xukuumadda.