Somaliland: Ex Wasiir Cali Waran-cadde Oo La Sheegay Inuu Ka Noqday Aqbalaadii Safiirnimada Somaliland Ee Itoobiya

0
999

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Waran-cadde ee uu madaxwayne Siilaanyo xilka ka qaaday ayaa ka noqday go’aan uu ku aqbalay inuu noqdo wakiilka somaliland u qaabilsan itoobiya.

Md Cali Waran-cadde ayaa warar xog ogaal ah oo uu geeska africa helay waxay xaqiijinayaan inuu la tashiyo badan kadib go’aan  ku gaadhay inaanu qaadan xilka safiirnimo u fadhiyi doona addis-ababa,waxaanay wararku intaa ku dareen in waran-cadde uu madaxwayne Siilaanyo gaadhsiiyay go’aankiisa cusub.

Warkan uu geeska africa helay wuxuu sheegayaa in Waran-cadde madaxwayne Siilaanyo ka codsaday inuu u magacaabo la taliye isla markaana uu masuul kale u magacaabo wakiillka somaliland u qaabilsan Itoobiya.

Wargeyska  Geeska africa ayaa isku dayay inuu Cali Waran-cadde waydiiyo mawqifkiisa rasmiga ah iyo waxa ka jira wararkan laakin uma suurtogalin.

Hase’yeesheen Cali Waran-cadde ayaa la sheegay inuu o’aankan cusub qaatay kadib markii uu la tashiyo badan la sameeyey taagerayaashiisa,kuwaas oo usoo jeediyay inuu iska casilo xilkaasi safiirnimo

Cali Maxamed Waran-cadde ayaa goob fagaare ah oo uu ku wareejinayay xilkii wasaaradda arimaha gudaha somaliiland waxa uu ku caddeeyey inuu isagu madaxwayne Siilaanyo ka dalbaday in loo magacaabo wakiilka itoobiya isla markaana uu aqbalay inuu qabto xilkaasi,waxaanu markaas beeniyay inuu madaxwayne Siilaanyo xilkaasi ka diiday.