Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofka Muslimka ahi uu ku Qanco waxa uu ILAAHAY (SW) ku arsaaqo  isla-markaana uu uga dheeraado waxa Dadka kale leeyihiin.

Sheekh Aadan, wuxuu khudbaddiisa isku babar-dhigay Muslimiinta nool Wakhtigan Casriga ah iyo Muslimiintii hore, isagoo tilmaamay in dhibaatada Dunida Muslimka Maanta haystaa tahay in Qofku aanu kala soocayn wixiisa iyo waxa Dadka kale, taas oo aan If iyo Aakhiro midna wanaagsanayn.

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlaya Dariiqa ay tahay in loo maro Hoggaaminta Ummadda, ayaa yidhi, “Haddaad iskaga Riyooto aan Ummadda u taliyo adigoon Waddadeedii soo marin, sidaa Islaamtu wuu diiday, waxaana Qofka Muslimka ah lagu yidhi u shaqee Ummadda meeshaad joogto intaad gaadheyso (Hoggaamintooda).”

Sheekhu waxa uu ka hadlay Qanaacada Qofka Muslimka ah looga baahan yahay, “Rasuulku wuxuu yidhi, Waxa wanaagsanaaday oo Hanuun helay, Dariiqa toosan raacay Qofka noqday Qof Muslim ah oo Hanuunsan ee Noloshiisuna ku filnaatay ee ku Qancay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Maanta maxaa ka jira Dalalka Muslimka ee aynu Innagu ka mid nahay, waxa ka jira Nimaan Dadka aqoon dheerayn, oo aan Karti dheerayn, oo aan Aragti dheerayn ayaa wuxuu fursad u helayaa inuu Maamulka dhinac ka galo, iyadoo la ogaa in kuwii ay wax soo wada baranayeen ay ka karti badnaayeen, taasina waxay keenaysaa in Qofkaasi uu kala garan waayo waxay Somaliland leedahay iyo wuxuu isagu leeyahay, Isagoo Maamulka ku soo galay Dariiqa aad ogtihiin Maanta (Qabyaalad) ayuu doonayaa inuu Maalin ku taajiro oo keligii qaato hanta ay ku caano Maali lahaayeen Boqollaal Agoon iyo Maati ahi.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, oo hadalkiisa sii wata, ayaa isagoo Xaaladdaa hore barbar-dhigaya Hab-dhaqankii Muslimiintii wanaagsanaa, wuxuu yidhi, “Dhowr iyo Soddon ka mid ahaa Dadkii Wanaagsanaa, ayaa iyaga oo Hawl ku jira, ayaa waxay is-waydiiyeen waar maxaynu sahay sidanaa, waxa la yidhi Dhowr midh oo Roodhi ama Kimis ah, intaasina uma qaybsamayso, dabadeed Nin ka mid ahaa Hoggaankoodii ayaa yidhi Aniga ii dhiiba Dhowrka midh ee Roodhida ah ee aad haysaan, dabadeedna Weel buu ku dhex burburiyey, dabadeedna wuxuu yidhi Laydhka Bakhtiiya oo dhinacyada ka soo gala oo Nin Walowba Bisinka ku bilow wixii ILAAHAY kaa soo gaadhsiiyo, sidii baa la sameeyay, muddo ka dib markii la is yidhi Xeedhadii way madhan tahay, ayaa dib loo shiday Laydhkii, laakiin waxa la arkay inaan dhowr iyo Soddonkii Qof ee Muslimka ahaa aanu midna taaban Xeedhadii, isagoo mid walba is lahaa maaddaama oo Raashinku yar yahay Walaalkaaga kale ee Gaajoonaya u daa’, markaa Islaamku Mushtamaca uu sameeyay kaa weeyaan. Laakiin waa ayo kuwa Maanta Nooli, Waa inaad ku ridato Intaada, waa inaad ku ridato intii jaarkaaga, waa inaad ku ridataa inta Somaliland leedahay.”

Sheekhu wuxuu Xukuumadda kula taliyey in Qofka Shaqaale ahaan loo qaadanayo Mushahar fiican loo qoro, si looga ilaalin karo Musumaasuqa, “Xukuumadda waxaanu ku waaninaynaa markaad Qofka Shaqaalaha ah qoreysaan ku qora Mushahar ku filan, dabadeedna Qofka ha lagu ilaaliyo Mushaharkaasi.”ayuu yidhi.