Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Dersaysa Dacwad Ka Dhan Diwaangelinta Goobaha Lagu Muransan Yahay Oo Loo Gudbiyey

0
736

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa loo gudbiyey Dacwad lagu dalbanayo in la joojiyo Diwaangelinta Dawladdu doonayso in laga sameeyo Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Caddeeyay in Muwaadiniin Reer Somaliland ahi u soo gudbiyeen Maxkamadda Dacwad ka dhan Diwaangelinta la doonayo in laga sameeyo Lixda Goobood ee Waqooyiga Caasimadda Hargeysa, sidaa daraadeedna ay dersayaan isla-markaana Jawaabta ku habboon ka bixin doonaan.

“Muwaadiniin Reer Somaliland ah, ayaa waxay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah keeneen oo ay ka diwaangeliyeen Dacwad ku saabsan Goobaha Diwaangelintooda la isku haysto, Maxkamadduna way ka qabatay.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaanu intaa ku daray, “Waanu dersaynaa oo waxaanu eegaynaa awood ma u leeyahay (Muwaadinku) Dastuurku muxuu ka odhanayaa, Hay’adaha kale ayaanu kala tashanaynaa, Waayo? Muwaadiniinta aanu Dacwadda ka qabanay waxay leeyihiin Goobaha (Waqooyiga Hargeysa) ee Lixda Gobol isku haystaan hala joojiyo, markaa jawaabta ay nala tahay ayaanu ka bixinaynaa.”