Somaliland: Madax-dhaqameedyada Somaliland Ee Jooga Muqdisho Oo Diiday Tababbarro Ay Siin Lahaayeen Guddida Doorashooyinka Soomaaliya

0
863

Madax-dhaqameedka Ka Fallaagoobay Somaliland ee ku sugan Dalka Soomaaliya oo Toddobaadyadii u dambeeyay ka cabanayey inaan Saamigii ay xaqa u lahaayeen laga siinin Xubnaha noqonaya Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Diiday inay ka qayb-galaan Tababbarro Guddida Doorashooyinka Soomaaliya siinayeen Madax-dhaqameedyada la doonayo inay deegaannadooda ka soo xulaan Dad lagu daro Baarlamaanka cusub la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa Shalay u gudbiyey shirka Madasha hoggaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka socda Qoraal lagu soo koobay caqabadaha hortaagan doorashada ee la doonayo in wax laga qabto sida ugu dhakhsaha badan, Guddida xalinta khilaafaadka oo aan la dhisin iyo in Ergo la sheegay inay Somaliland ku matalayaan Doorashooyinka Soomaaliya oo soo xuli lahaa xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanku diideen inay la shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka isla-markaana ka qayb-galaan Tababbarro la siiyo kuwa la mid ka ah.

Qoraalka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya u gudbiyeen Madasha Wada-tashiga ee Shirkoodu ka socdo Muqdisho isla-markaana lagu xusay Madax-dhaqameedka Somaliland ee diiday la shaqeyntooda, ayaa u qornaa sidan:- “Madax-dhaqameedyada Somaliland oo cabashooyin siyaasadeed darteed aan ka qeybgalin tababarradii wacyi-gelinta iyo hannaanka xulitaanka ergada ee ay bixinayeen guddiyada doorashooyinka, waxay kala dhantaaleysaa in doorashadu si isku mid ah uga hirgasho dalka. Guddidu wuxuu soo jeedinayaa si ayna Somaliland Hannaanka Doorashada uga hadhin, wadajirka wadankana loo ilaaliyo waa in xal siyaasadeed laga gaadhaa tabashadooda.”