Amaro Cusub Oo Sucuudigu Ku Soo Rogay Dadka Gudanaya Moosinka Xajka

0
1111

Waxa la mamnuucay in mikirifoonka laga habaaro dalalka aan haysan diinta Islaamka sida Israa’iil, Maraykanka…

Wasaarada Arrimaha Diinta ee dawlada Sucuudiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku shaacisay shuruuc cusb oo la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka, isla markaana waxay ku sheegtay in laga mamnuucay dadka gudanaya cibaadda arrimaha la xidhiidha siyaasada iyo  madhabaha diinta ka hadalkooda.

Qoraalka Wasaarada waxaa lagu sheegay inay mamnuuc tahay in mikirifoonka looga faa’iidaysto durista, habaarista iyo wax ka sheega dalalka aan haysan diinta Islaamka sida Israa’iil iyo wadamadda kale, isla markaana  Wasaaradu waxay ka digtay in wakhtiga la gudanaayo waajibaadka diiniga ah gudaha masaajidka laga sameeyo is urursi la xidhiidha dadka muslimka ah ee haysta madaahiibta aan suniga ahayn.

Go’aanka lagu mamnuucay habaarka dawladaha cadowga ku ah Islaamka ayaa saamayn kara ducooyinka inta badan culimada manabaca xajku ku habaaraan dawladaha ay ka mid yihiin Israa’iil iyo Maraykanku. Geesta kale Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu waxa kale oo ay sheegtay in la mamnuucay in lacag laga aruriyo masaajidka gudihiisa, isla markaana amarkan fulintiisa waxa loo xil saaray ciidamo gaar ah oo ka hortaga waxyaabaha kala fogayn kara dadka muslimka ah ee gudanaya waajibaadkooda.