Xukuumadda Somaliland, hoggaanka xisbiyada qaranka iyo komishanka doorashooyinka oo isla qaatay diwaangalinta codbixiyeyaasha laga bilaabo deegaamada lagu muransan yahay ee waqooyiga Hargaysa.

Gudida doorashooyinka ,  saddexda xisbi qaran ee Somaliland  iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa waxaa ay kulan xasaasi ah maanta ku yeeshen xarunta wasaaradaasi .

Kulankan saddex geesoodka ah oo ay warbaahintu dibad joog ka aheyd ayaa markii  soo dhamaadey waxaa  warbaahinta   uga war bixiyey wasiirka arimaha Gudaha Yasiin Faratoon waxaana uu sheegay in ay isla qaaten in diwaangalinta laga bilaabo Lixdaasi goobood isla markaana si nabad galyo ah ay  uga qabsoonto .