Tiradii Ugu Badneyd Ee Tahriibayaal Ah Oo Sanadkan Ku Geeriyootay Badaha

0
795

Jariiradda The Independent ee ka soo baxda magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shaacisay inay jirto sare u kac ku aaddan dadka tahriibayaasha ah ee ku dhimanaya Badaha.

Ugu yaraan 3,000 oo qof ayaa la sheegayaa inay sanadkan 2016-ka oo keliya ku naf waayeen marin biyoodyada looga tallaabo waddamada reer Yurub.

Dadka ay dhibaatadu saamaysay ayaa u badan kuwo ka soo cararay waddamada Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya,kuwaasoo ay dalalkooda ka taagan yihiin dagaallo iyo gaajo.

Sanaddii aynu kasoo gudubnay ee 2015-kii ayaa la sheegay inay tirada tahriibayaashu marayso heerkii ugu sarreeyay,balse sanadkan 2016-da ayaa la filayaa inay intaasi kasii badato haddii ay sidan ku sii socoto xaaladda dadka ku qul-qulaya waddamada reer Yurub.

Badda u dhexeysa Libiya iyo Talyaaniga ayaa sanadkii lasoo dhaafay ahayd halka ugu halista badan,iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen boqolaal tahriibayaal ah.

Tan iyo Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayaa la sheegayaa inay Jasiiradda Sicily oo ku taalla Talyaaiga gaareen Kumanaan qaxooti ah oo kasoo cararay dhibaatooyin ka jira waddamadooda.

Drs;Ema Rijnierse oo ka shaqeeysa arrimaha samata bixinta badda Maditerrenan-ka,ayaa sheegtay in haatan ay xaaladda kasii darayso.

Mss;Rijnierse ayaa waxa kalooy sheegtay inay daweyso dad badan oo tahriibayaal ah, kuwaasoo loo geysto dhaawacyo kasoo gaaray garaac ,jirdil ,kufsi iyo fara xumayn.

Doomaha ay ku safraan dadkan oo aan looga tala gelin in lagu safro ayay sheegtay in la saaro tiro xad dhaaf ah, iyadoo mararka qaarkoodna ay muqallisiintu si ula kac ah ugu daadiyaan dadka saaran.