Siilaanyo Oo Sheegay Inuu Ka Xumaaday Weeraro Ka Dhacay Dalal Ku Yaalla Yurub

0
919

? Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Wada Shaqeynta EU iyo Somaliland Ku Sifeeyay Mid meel-mar Ah

? “Waxaan Idiinku Celinayaa In Aanay Haba-yaraatee Somaliland Qeyb ka Ahayn Hab Doorasho Oo Ka Dhaca Soomaaliya”

? Safiirradu Waxay Ku celiyeen In Doorashadda Somaliland Wakhtigeedii Ku Qabsoonto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dalalka Midowga yurub ka tacsiyadeeyay,una muujiyay sida uu uga xun yahay dhiillooyinkii ka dhashay weeraro dad badani ku naf waayeen oo ka kala dhacay dhawaan dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Biljamka. Waxa kale oo uu cilaaqaadka Somaliland la leedahay EU-da uu ku macneeyay mid meel mar ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu beesha caalamka mar kale ugu celiyay inaanay Somaliland marnaba qeyb ka ahayn nidaamka doorasho ee dalka Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso. iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Ethiopia, Ms Cat Evans oo booqasho ku yimid Somaliland.

“Madaxweynaha ayaa ku soo dhaweeyey dalka iyo qasrigaba masuuliyiintani, waxaanu intaas raaciyey inuu uga mahad-naqo wada shashaqaynta ay leeyihiin EU iyo Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid meel-mar ah oo shaqaynaysa, waxaa kale oo madaxweyunuhu midowga yurub ka tacsiyadeeyey dhiillooyinkii ka dhacay magaalooyinka Paris, Niece, oo Faransiiska ah, Brussels Belgium oo ah xarunta midowga yurub, iyo Munich oo Jarmalka ah, waxaanu sheegay inay masuuliyiinta gaadhsiiyaan tacsidaasi dalalka midowga yurub iyo bulshadoodaba,”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Garyaqaan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax).

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu weftigan u caddeeyay sida dalkiisu ugu qanacsan yahay mashaariicda horumarineed ee midowga yurub siiyo Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan idinku soo dhawaynayaa, danjireyaal, dalka iyo xarunta madaxtooyadaba. Waxaan idinka mahadnaqayaa deeqaha midowga yurub iyo Ingiriiskuba siiyaan Somaliland, oo ah wado-shaqayn cuddoon oo meel mar ah. Waxaanan idinku boorinayaa in xidhiidhkeennu halkaa ka sii socdo.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey sida uu u jecel yahay inay dunidu noqoto mid xasiloon, oo aanay dhicin gacan ka hadal iyo xasillooni darro, Somaliland ay qeyb ka tahay sidii loo heli lahaa duni bad-qabta.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu kala hadlay weftiga geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay sidii loogu tallo-galay ay u socoto, mar uu arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi “206 Goobood oo gobolka Sanaag ah ayaa si buuxda uga qabsoontay diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ilaa imikana ay ka socotaa, dadka ku dhaqan gobolkaasi si weyn ayey uga qeyb-galeen, aanay soo dhaweeyeen iyagoo jecel in doorashadu si fiican u qabsoonto. Waxaana loo gudbi doonaa gobolka ugu dambeeya oo ah gobolka Sool, sidii looga hirgelin lahaa diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha oo ay dadweynaha gobolkaasi diyaar u yihiin.”

Madaxweynuhu waxa uu danjireyaasha mar kale u caddeeyay mowqifka Somaliland ee la xidhiidha inaanay qeyb ka ahayn, horena uga qeyb gelin nidaam doorasho oo ka dhaca dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya. “Waxaan mar kale idinku celinayaa in aanay haba-yaraatee Somaliland qeyb ka ahayn hab doorasho oo ka dhaca dalka Soomaliya, balse aanu raalli ka nahay inay qabsadaan wixii ay iyaga wax ugu hagaagayaan, ka dawlad Somaliland ahaana aanu walaalahayo la jecel nahay wanaag iyo jaarnimo, iyaguna ay dhawraan walaalnimada iyo deris wanaaga.”
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay inuu dhismo jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, midawga yurubna laga rabo inay kaalin ku yeeshaan himiladaas Somaliland leedahay. “10km-na ha ahaatee waxa naga go’an jidka Berbera Corridor oo dhisma, idinkana waxa aanu idinka rabnaa inaad qeybtiina ka qaadataan oo aad weliba dhakhsataan,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay weftiga doorashada soo socota March 27-2017 inay ka go’an tahay Somaliland inay wakhtigeeda ku qabsoonto.waxaanu xusay inay saddexda Xisbi Qaran wado hadal uga socdo caqabada qudha ee hortaagan doorashada wakiilada oo ah saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiilada. Dhiniciisa madaxa weftiga Michele Cervone D’Urso oo isna halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay, soo dhawaynta uu u sameeyay.
“Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay qaabilaada aad na qaabishay, waxa aan ka soo qeyb-galnay carwada aan laga maqnaan karin ee Sagaalaad ee qoraalka iyo dhaqanka ku saabsan ee ka socota Hargeysa,”ayuu yidhi safiirka midowga Yurub.
Safiirka Midowga yurub iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya waxay ku celceliyeen in doorashada Somaliland wakhtigeedii ku qabsoonto, kuna hambalyeynayaan madaxweynaha sida waayeelnimada ah ee uu u hogaaminayo habsami u socodka dimuquraadiyada dalka, iyo sida ay u socoto diiwaangelinta Codbixiyeyaashuba.