Somaliland: Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Hurmar Waddanka U Soo Kordhay Ku Tilmaamay Heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera.

0
686

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay dhawaan wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabtu ee ku aadanaa balaadhinta iyo casriyeynta dekedda caalamiga ah ee Berbera.