Cabdirashiid Dahabshiil Oo Ku Tilmaamay Aaga Ganacsiga Xorta Ah Ee Laga Furay Djibouti Waa Cusub Oo U Baryey Ganacsiga Afrika

0
1487

Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahbshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil), waxa uu ka mid ahaa madax iyo ganacsato waaweyn oo lagu marti-qaaday ka qayb galka furitaanka Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah ee ka caaggan cashuuraha ee Afrika u weyn, oo qaybtii u horreysey laga daahfuray dalka Jabbuuti magaala-madaxdiisa Jabbuuti Khamiistii, 5 July 2018.

Laanta Afsoomaaliga ee BBC’da ayaa Cabdirashiid toyatey bal inuu wax uga tibaaxo faa’idooyinka Afrika iyo, gaar ahaanba, ganacsatada Soomaalida uga soo kordhaya aaggan Ganacsi ee haatan qaybihiisii  u horreeyey la furay.

Waxa uu Maamulaha Guud, Cabdirashiid, sheegay in Suuqani uu guud ahaanba aad ugu fududaynayo ganacsiga laba-aflaha ah ee  ka dhexeeya ganacsatada Afrika iyo ganacsatada la macaamisha ama xidhiidhada ganacsi hadda wada leh ama uu ama berri-ka-maalin ka dhex abuurmi karo.

“Aaggan Ganacsioga Xorta ah  (Djibouti International Free Trade Zone – DIFTZ) waa alaab kale oo u furmay ganacsatada iyo ganacsiga Afrika, iyada oo uu agabkii dhulka fog loo doonan jirey uu u soo dhoweynayo, oo halkan laga heli doono, iyada oo aan tacabkii ku bixi jirey iyo safarradii dhaadheeraa jirin,“ ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa uu Cabdirashiid ku cabbiray fursadaha uu Aaggu ku soo kordhinayo ganacsiga Waa cusub oo hor leh oo u beryey ganacsatada Afrika oo si dhab ah ugu xidhmaysa caalamka.

“Waxa kale oo aad ugu dhib yaraanaysa ganacsatada u sii gudbineysa alaabooyinka halkan lagu kala gato Afrika inteeda kale  oo ay u heli doonaan marinno aan kaba fogeyn suuqyadoodii ganacsi iyo macaamiishoodii,” ayuu ku daray Maamuluhu.

Waxa Maamuluhu tibaaxay in aan weli ganacsatadu ay xor u yihiin ciddii kale ee ay la macaamilayaan caalamka oo aanay ku khasbanayn inay ku tolmaan ganacsiga iyo ganacsatada Shiinaha oo suuqan dhuistay, kana kaalineysa Dawladda Jabbuuti, hase yeeshee ay haddaba jiraan ganacsi baaxad leh oo Afrika iyo fdalkaa ka dhexeeya.

“Ganacsato badan oo aan la yaraysan karin o reer Afrika ah oo ay dhib iyo kadeed ku ahayd inay meelo dhaadheer u safraan ayaa jirey, ganacsina la wadaaga dal weynahan. Ganacsatadu wixii halkan ay ku kala iibsato waxa ay lacagaha isu marinayaan Bangiyada heer caalami iyo hay’adaha lacagaha isu gudbiya ee haatanba ka jira dalkan Jabbuuti sida East Africa Bank iyo Dahabshiil,’ ayuu yidhi Maamule Cabdirashiid.

Waxa uu Cabdirashiid tilmaamay in faa’iidooyin badan ay ugu jirto dalka Jabbuuti oo gaadiidkeedii, dekedaheedii, shaqaalaheedii, hudheelladeedii, Bangiyadeedii dhammaan la isticmaalayo hase yeeshee agabka ama badeecooyinka Aagga imanayaa ay yigiin kuwo sii-gudbaya oo aan dalka geleyn, sidaana ay kaga badbaadeen cashuuraha tooska ah.

“Kharajaadka kale sida maraakiibta iyo gaadiidyada kale ee agabka keenayaa waa sidoodii hore oo wax walbi bilaash ma ah,” ayuu caddeeyey Cabdirashid.

Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo Aamina Xirsi Mooge, oo can ku ah ganacsiga Afrika, siiba Geeska, ayaa ka mid ahaa Haldoorkii faalleeyey faa’iidooyinka baaxadda leh ee iskaashiga lagu ebyey aaggani xambaarsan yahay. Waxa ay door muuqda ku lahaayeen shirkadaha Dahabshiil Group  furitaankii Aagga Xorta ah iyo Carwo ku lammaanayd Khamiistii, oo uu xadhigga ka jaray Raiisal Wasaaraha dalka Jabbuuti, Cabdulqaadir Kaamil.