Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed Shirkadda DAHABSHIIL Ka Difaacay Eedo Deel-qaaf ah Oo Uu U Jeediyey Xildhibaan Baarlamaanka Puntland Ka Tirsan

0
975
Siyaasiga ruug caddaaga ah ee Cabdiraxmaan Qawdhan, oo muddooyinkii Puntland jirtey baarka sare ee siyaasadda kaga jirey, ayaa hadal ka soo yeeshay Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Saadiq Garaad Abshir, ku tilmaamay deelqaaf aan loo meel deyin.
Xildhibaan Saadiq waxa uu, caddayn la’aan iyo caadifad, ula xidhiidhiyey shirkadaha Dahabshiil maalgelinta colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee ciidamadoodu isku haleeleen aagga Tukaraq, isaga oo is-hilmaansiinayey in Dahabshiil dhulalka Soomaalida oo dhan iyo caalamkaba si isku mid ah, oo aan eex lahayn, ugu adeego macaamiishiisa oo Soomaalidu u horrayso.
Waxa uu ku canaantay xildhibaan inaanu xildhibaannimadiisa iyo mas’uuliyadda uu hayey milgaheedii marin, isaga oo ku ganay “hadallada noocaasi Oo kala ahna in la keeno Golayaasha Iyo saaxada ma aha runtii”.
Waxa siyaasigu tilmaamay in shirkadaha Dahabshiil yihiin hormuudka shaqo-abuurka Soomaalida, iyada oo dadka sida tooska ah ama sida dadban uga hawlgala ama loo maalgeliyo meheradahoodu kor u dhaafayaan malaayiin.
“Shirkada Dahabshiil waa shirkad la yaqaano oo waxtar badan ayey ummadda Soomaliyeed u leedahay, uguna Fadhidaa.  1 milyan iyo 500 oo kun oo  qof  in gaadha ayey ururisaa oo ka shaqeeye, oo ay shaqo abuur u sameysay,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyey inaan waxtarku intaa ku ekayn oo siyaabo badan oo kala duwan oo kale shirkaddu eax u taarato bulshada, hormarkeeda iyo nabadeedana kaga qayb qaadato.
Waxa Siyaasi Qawdhan ammaanay garaadka, waxbarashada iyo karaamada bulsho ee ay ku suntan yihiin saraakiisha iyo hawlwadeennada shirkadaha Dahabshiil.
“Dadka Kala duwan ee ugu shaqeeye Min gobal Ilaa Tuulo,  waa dadka ugu sharafta badan, uguna Diinta badan, Ugu wanaagsan, una Dhaqanka Wanaagsan,” ayuu qiray.
Waxa siyaasigu u soo jeediyey xildhibaanka inaanu karaamadiisa iyo tan ummadda uu metelo hoos u dhigin ee uu ka noqdo tiraabihii caaddifadaysnaa ee weerarka ahayd ee uu la tiigsaday shirkadda Dahabshiil, raalli gelin buuxdana ka bixiyo.
“Hadalkaasi waa hadal aan meesha qaban,  ataagna ah weeye,  Isagana waxan u soo jeedinaya in uu raali galin deg deg ah ka bixiyo;  waxa noocas oo kale ahna in aan mar danbe loo geysan ganacsiga oo dhibaato loo geysan ummadda Soomaliyeed meel kasta oo ay joogto,” ayuu yidhi.
Hadalkan Xildhibaanku waxa uu ladhay oo maragfur u noqday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo adeer run ah u ah Xildhibaanka hadalku ka tegey, ahna Garaadka ugu facaweyn madaxdhaqameedka Gobolka Sool ee soo-jireenka ah, oo ka barraxay shirkadaha Dahabshiil arrimaha uu Saadiq Garaad Abshir la xidhiidhiyey.
Waxa uu Garaad Saleebaan sheegay inuu ku qanacsan yahay inaan mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil si toos ah iyo si dadban toonna u aanoobin eedda uu xildhibaanku u soo jeediyey.
Waxa beryahan dambe soo if baxayey oo baraha bulshada lagu arkayey ashkhaas, si u muuqata inay badheedh u dhagaraysan yihiin, ku weeraraya shirkadaha Dahabshiil iyaga oo u dan leh inay ku kala fogeeyaan shirkadaha iyo macaamiisheeda daacadda u ah adeegyadeeda eek u qanacsan.
Magaca Dahabshiil waxa dunidu u aragtaa mid u taagan sifooyinka togan ee  magaca Soomaali la xidhiidhin karo, iyada oo dunidu ku baratay inay jiraan Soomaali caalamka wax la qaybsan karta oo ilaalisa qawaaniinta, sharafta iyo martigelinta bulshooyinka ay shirkaddu ka dhex shaqayso, isla markaana bulshooyinkaa daryeelkooda wax badan ku celisa oo ka tarta.