Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda oo ay dul-hogganayso fadeexad la xidhiidha oddorska miisaaniyad-sannadeedka 2018 oo wax-ka-beddel lagu sameeyay

0
843

“Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Toona Awood uma laha inay beddelaan Miisaaniyadda Golaha Wakiilladu Ansixiyey ee Sharciga noqotay…” Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne

Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay Fadeexad Masuuliyadeed iyo mid Sharci-darro oo Dul-hoganaysa Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, ka dib markii ay soo baxeen Warar shaaca ka qaaday in Wasiirka Maaliyaddu wax ka beddel ku sameeyey Oddoroska Miisaaniyad-sannadkeedka 2018-ka ee Dawladda dhexe ee Somaliland oo Bishii hore Mudanayaasha Golahaasi Aqlabiyad ku ansixiyeen.

Wararka Fadeexaddan ka shifay oo Warbaahin kala duwain faafisay, ayaa sheegaya in wax ka beddelka Wasiirka Maaliyadda lagu eedeeyey inuu ku sameeyey Shaxda Miisaaniyadda Golaha Wakiilladu ansixiyey ay hakisay ama xannibtay Isticmaalka iyo ku dhaqanka Miisaaniyaddaas, waxaanay intaas ku dareen Wararku inaan illaa hadda la fasixin Miisaaniyaddaas oo uu Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranku dib ugu soo celiyey Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ka dalbaday Miisaaniyadda Sharciga ah ee Golaha Wakiilladu ansixiyey.

Haddaba, maaddaama oo ay Shaxda Miisaaniyaddu Mashruuc Sharci oo dhaqan-gal ah noqonayso marka Golaha Wakiillada oo awood sharcigu u siiyey meel-marinteeda ansixiyo, awoodda ay Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu u yeelan karaan inay waxka beddel iyo kaabis kale ku sameeyaan wixii la ansixiyey, ayaannu weydiinnay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar-Sanweyne, waxaanannu ku dooday inaanay jirin Cid awood u leh inay wax ka beddesho Miisaaniyadda Wakiilladu ansixiyeen.

“Horta miisaaniyadda qaranku waa sharci, sharci gole kasoo baxay weeyi, sharci gole kasoo baxayna cid beddeli kartaa habayaraatee ma jirto, madaxweynu ma beddeli karo, balse qodob ama laba ama sadex inkastaba ha ahaatee, wuxuu kasoo bixin karaa comment, oo odhan karaa qodobkaa iyo kaasi distoorka ma waafaqsana ama sidaa hala yidhaahdo. Laakiin xeer uu beddeli karaa ma jiro oo golaha kasoo baxay, miisaaniyaduna waa xeer gole, xeerna lama beddeli karo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne