Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil oo ugu Ballanqaaday war farxad galinayaa Dhallinyarada iyo Haweenka

0
1048
Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, oo ka qayb galay daahfurka mashruuc cusub oo loogu fududaynayo macaamiisha amaah- bixinta oo ay maalgelineyso Hay’adda hormarinta iyo  Iskaashiga Caalamiga ah ee Sweden (Swedish International Development Cooperation Agency – SIDA), ayaa ugu bushaareysey dhallinyarada iyo haweenka hindisa ganacsiga cusub  ama hore ugu  jiray ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee loo yaqaanno SMEs (Small and Medium Enterprises) in loo fududayn doono shuruudaha iyo fursadaha ay kaga faa’idaysan karaan amaah-bixinta Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshil (DBI).
“Waxaannu u ballan qaadaynaa Inaanu haweenka iyo dhallinyarada macaamiishayada ah ama noqon doona soo dhoweynno oo u fududeyno adeegyadayda” ayuu yidhi Maamulaha Guud Dahabshiil
Mar uu ka hadlayey faa’iidooyinka laga dhaxli doono taabbo gelinta barnaamijkan hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dawladda Sweden fuliso, waxa uu yidhi: “iskaashiga dhex maray Bangiyada Soomaalida iyo jilayaal horumarineed oo caalami ah ee SIDA, waxa uu xoojinayaa horumarka, waxana ka abuurmaya fursado shaqo oo mug leh oo uu ka faa’idaysan doonaan deegaanadda Soomaalidu degto oo dhan.
Waxa aannu uga mahadcelineynaa SIDA la-shaqaynta hay’adaha maaliyadeed ee Soomaalida, iyada oo barnaamijku saamayn muuqata oo togan ku yeelan doono degganaanshaha iyo nabagelyada mandaqadda”.
Barnaamijka amaahsiinta ah waxa iska kaashanaya hay’adda SIDA iyo Bangiyo Soomaalidu leedahay oo uu Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI) ku leeyahay door hormuudnimo.
Daahfurkii barnaamijka oo ka dhacay Hotel Ambassador, waxa xadhigga ka jaray safiirka dawladda Sweden H.E. Andreas von Uexkull. Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku weheliyey Wasiir-ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Liibaan Osman, Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo hormarinta, Eng. Hussein Ibrahim Buuni, Agaasimaha Guud ee Maalgashiga, Ahmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Ganacsiga Osman Hussein Warsame, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Maxamed Cabdi Ibraahim Agaasimaha Guud ee Baanka Abdullahi Hassan iyo madax kale
“Barnaamijkani waxa uu soo kordhinayaa hilimo ama hiigsi  cusub oo u sahlaya hay’adaha maaliyadeed sidii ay u sii ballaadhin lahaayeen amaah-bixinta ay sameeyaan, isaga oo horseedi doona inay furmaan suuqyo iyo fursado ganacsi ooh or leh,” ayuu yidhi Danjiraha Dawladda Sweden mudane Andreas von Uexkull.
Dhammaaan madaxdii meteleysey dawladda, ururrada bulshada iyo ganacsatada ee madasha ka soo qayb galay waxa ay soo dhoweeyeen barnaamijkan oo ay ku tilmaameen mid kaalin muuqata ka qaadan doona kor-soo-qaadida bulshada inteeda u badan oo ah dhallinyarada iyo haweenka, gaar ahaan kuwooda hanka ganacsi iyo wax  curineed.
Barnaamijku waxa uu daaha uga faydayaa ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ee aan heli Karin fursado maaliyadeed  oo kobciya. Barnaamijku waxa uu, gaar ahaan, soo dhoweynayaa haweenka iyo dhallinyarada iyo ganacsatada haddaba ku dhex jira hawshaas. Sweden iyo qurbajoogta Soomaalidu waxa ay door muuqda ka qaataan dib-u-soo-kabashada iyada oo ay abuureen fursado kaaba nolosha, waxbarashada iyo caafimaadka iyo helitaanka raasamaal lagu dhaqangeliyo maalgelin. Xidhiidhka sii tamaraysanaya ee labada dhinac, oo ay ka mid tahay koritaanka maalgashi ee ganacsiga gaar loo leeyahay, waxa uu sii xoojinayaa oo dhiirrigelinayaa in hay’adda SIDA si qoto dheer ugu gonda-degto horumarinta adeegyada maaliyadeed  iyada oo maanka lagu hayo sidii loo yarayn lahaa ama loo suulin lahaa saboolnimada iyo faqriga,  dibna looga soo kaban lahaa.
Wakaaladda SIDA, ee barnaamijkan suurtagelisey, waa hay’ad ay leedahay dawladda Sweden kana wakiil ah dawladda iyo baarlamaankeeda, ujeedada loo aasaasayna tahay yaraynta saboolnimada ka jirta dunida. Iyada oo la kaashanaysa hay’ado iyo dawlado kale, SIDA waxa ay fulisaa siyaasadda dawladda Sweden ka leedahay horumarinta caalamka, iyada oo istaraatajiyadeedu tahay inay dadka saboolka ka gargaarto sidii ay noloshooda u horumarin lahaayeen. SIDA waxa ay iskaashi horumarineed la leedahay 33 dal oo ku kala yaalla Afrika, Asia, Europe iyo Koonfurta America. SIDA waxa ka hawl gala ilaa 700 hawlwadeen oo ku kala sugan saddex xafiis oo ay ku leedahay hay’addu gudaha dalka Sweden iyo waddamada iskaashigu ka dhexeeyoba.
Istaraatajiyaddu hay’addu ka leedahay iskaashigeeda dhinaca Soomaalidu waxa uu ku wajahan yahay maaraynta xasaradaha, horumarinta dimuqraadiyadda, xuquuqal insaanka iyo shaqo-abuurka.
Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (Dahabshil Bank International – DBI) waa hay’adda maaliyadeed ee u weyn gobolka Soomaalida. Bangigu waxa uu macaamiishiisa u fidiyaa adeegyo tayo leh oo ay ka mid yihiin amaah-bixinta (mid weyn iyo mid yarba – microfinance), isu-diridda ama xawilaadaha lacagaha oo caalamka oo idil ku baahsan, lacag-bixinta iyo ku-adeegsiga moobilka ee lacagaha iyo bixinta kaadhadhka lagu adeegto ee caalamiga ah sida MasterCard’ka. Bangiga waxa uu u adeegaa dhammaan macaamiisha, ganacsatada iyo hay’adaha heer maxalli ah iyo heer caalamiba. Hawlaha iyo adeegyadu Bangigu qabtaa waxa ay dhammaantood soo kordhiyaan shaqo-abuur baaxad leh.