“Waddani-yoow Beenta aad Samayseen ha Rumaysannina” Jaamac Shabeel

0
1180

Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen Gudiga Doorashooyinka Qaranka, waxaanu xisbiga KULMIYE ku tilmaamay hadalka Xisbiga WADDANI mid aan meesha qaban, isla markaana sharciga baal marsan oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalka.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland

Guddoomiye Jaamac oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu been abuur ku tilmaamay in doorashadii Madaxtooyaa la musuq-maasuqay, waxaanu hadalkiisa ku caddeeyay in doorasho sharci iyo xalaal ahi ay dalka oo dhan ka dhacday.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay sharci ku fadhiyaan shaqadoodiina ay wataan .

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wax meesha ku jiray maaha in xisbiga Waddani kalsoonidii kala noqdo gudiga doorashooyinka, dariiq sharci ayay ku fadhiyaan gudiga doorashooynka Somaliland, waana siidhi-wadayaal, waa lay dhacayna waa laga wanaagsanyahay, waxaan leeyahay xisbiga Waddani beenta aad samayseen ha rumaysannina doorashadii dhacdayna waa la wada ogaa gaal iyo muslimba ee doorashada golaha wakiilada ka soo qayb gala ayaan leeyahay xisbiga Waddani”.

Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanu xaq u lahayn inay kalsoonida kala noqdaan gudiga doorashada, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay xisbiga Waddani ciyaartoygu xaq uma laha in ay yidhaahdaan siidhi wadaha kuma kalsoonin, Xisbiga Waddani in uu doorashada golaha wakiilada ka qayb galo waa ikhtiyaar uu isagu leeyahay, cid ku khasbaysaana ma jirto haddii aanay doonayn xisbiga Waddani in ay doorashada golaha wakiilada ka qayb galaan, laakiin doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka waa la qabanayaa. Guddoomiyaha xisbiga Waadani waxa ay kaga dhegtay waa laygaga shubtay doorashadii madaxtooyada, wax lagaga shubtayna ma jiro, waxaana laga hadlaa wakhtigeeda oo sharci ayaynu u leenahay doorashooyin kalena hore ayaynu u soo galnay, mana aha wax innagu cusub, maaha sanduuq ayaa lagu shubtay, markaa sanduuqa ayaa la kansali jiray, laakiin maaha in doorashada la kansal gareynayo.”